New Project

2139 exchange: Sida aad uga badbadi karto in lagu SCAM greeyo.

2139 exchange waa trading platform oo loogu talagalay traders ka adduunka oo dhan. Waxay diiradda saartaa sidii loo heli lahaa fursado maalgashi oo hantida digitaalka ah ‘Cryptocurrency’.

Hadda maxaa dhacay?

Dhamaan dadkii isticmalyey platform kan waxa ay qareen lacagahoodii si dhamaystiran, Markii u horaysay ma ahan oo qaabkan oo kale ay u waayaan lacagahooda dadka isticmala platformkan.

Waxay ahayd bishii labaad ee sanadkan markii sidan oo kale uu qof walba u khaaray lacagiihiisii si 100% ah, sidoo kale bishi lixaad sanadkan 2024 dad badan ayaa ku qasaray signal sadexaad oo ka baxsan signala da cidiga ah ee shirkadu soo dirto oo laba ahaa.

Maheli kartaa lacagihii aad lumisay?

Masuulka platform kan oo isku magacaabay Logan Smith ayaa tilmaamay hadii lacago cusub lasoo dhigto in qof walbaa uu helayo 10% lacagta cusub ee uu dhigto.

Marka aan eegno qaababkii lamidka ahaa ee horay udhacay bishi feb iyo june dhaman lacagihii laqasaaray ma soonoqon taas aan kafahmayno in ay lacagahanna ay lamid yihiin kuwii hore oo aysan so noqonayn.

Maka badbadi kartaa in lagu dhaco hadi lacagi kugu jirto.

Waxaa jira dad badan oo aan racin signalka manta lagu qaasay taas oo u badbaadisay lacagohoodii,

lakin waxaa jira qaab aad ku ogaan karto in signalka uu yahay mid scam ah oo lagugu dhacayo, signalka saxda ah waa 1% halka kuwa la isku dhacona ay yihiin 100%. sidoo kale waxaa dhici karta in uu kala duwan yahay title signalka taas oo iyana ah mid aad ku garan karto in lagu gu dhacay.

Ugudanbayntii

Dhamaan platforms 2139 iyo kuwa lamid ka ah malahan meel loogu hagaago taas oo ka dhigaysa inaadan helayn hantidaada meel aad ugu hagaagto hadii si khaladan aad kuwaydo hantidaada. hadaba baarazon kugulama talinayso inaad gasho platformskan iyo kuwa lamidka ah.

2 Responses

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *