mastodon-app

Mastodon: Bartan cusub hawada maka saari doonta twitter ka?

Markii uu maalqabeen Elon Musk la wareegay Twitter, dad badan oo ku xirnaa bartaas ayaa billaabay inay raadsadaan meel kale, waxaana soo caan baxday barta Mastodon. Hadda maxay tahay bartan?

Bartan oo ah mid ay bulshadu ku wada xiriirto oo la sameeyay lix sano ka hor, ayaa sheegtay inay ku xiran yihiin 655,000 oo cinwaan, oo 230,000 kamid ah ay ku soo biireen todobaadkii tegay.

Muuqaalka kore waxa ay uga egtahay Twitter. Qoraalkeeda waxaa loo yaqaan toots, waana mid ay dadka kale ka jawaabi karaan oo ay like saari karaan. Hase yeeshee Mastodon waxay u shaqeysaa si ka duwan Twitter.

Marka ayaa cinwaan cusub ka furato Mastodon, waa in aad doorato server. Waa ay kala duwan yihiin noocyada server-rada, waxaadna ka dooran kartaa dalkaaga, magaalada aad u nooshahay iyo waxa aad jeceshahay.

Midka aad doorato kaama reebayo in aad la saaxiibto oo aad hesho xogta dadka doortay server-rada kale, hase yeeshee kan aad ku xiran tahay ayaad ka helaysaa macluumaadka ugu badan.

Sababta ay server-rada u kala duwan yihiin ayaa lagu sheegay in Mastodon ay tahay shirkado isu tegay oo ay leeyihiin shakhsiyaad kala duwan.

Si ka duwan Twitter, Mastodon qofka uma tilmaanto cinwaannada uu raaci karo.

Waxaa walaac laga muujiyay in qeybo kamid ah Mastodon aanay lahayn shuruuc xakameysa qoraallada iyo muuqaallada xanafta leh, sida kuwa xambaarsan naceybka.

Bartan cusub ayaa isticmeelkeedu yahay lacag la’aan, mana laha wax xayaysiin ah.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *