12

Iphone 14: Adeegga degdega ah SOS ee ku xiran dayax gacmeedka ayaa hadda la heli karaa.

Apple maanta waxay ku dhawaaqday in Xaaladda Degdegga ah ee SOS ee ku xidhan Satelite-ka in hadda laga heli karo iPhone 14 nada. Shirkadda ayaa markii ugu horreysay ku soo bandhigtay feature kan munaasabadda lagusoo bandhigay iPhone 14 nada bishii Sebtembar ee sanadkan, iyadoo sheegtay in la isticmaali karo bisha November oo hadda ah. adeegan ayaa hadda laga heli karaa Maraykanka iyo Kanada laga bilaabo maanta wuxuuna ku fidi doonaa wadamo dheeraad ah bisha Diseembar.

iphone-14-sos

Nooc kasta oo ka mid ah talefanada iPhone 14 ka ah wuxuu lahaan donaa adeegan. Isticmaalayaashu waxay u baahan yihiin inay la soo degaaan software-ka ugu dambeeya (iOS 16.1 wakhtiga qoraalkan) feature kan si toos ah ayuu u shaqeyn doonaa isaga oo aan la furin . Isticmaalka adeegan, oo Apple ay rajaynayso inaadan waligaa isticmaalin hadda ka hor, isticmaalayaashu “waxay si toos ah ugu xidhi karaan dayax-gacmeedka .

Markaad joogtid aag aan Wi-Fi lahayn, adeegga internata iyo wicitaanka lama heli karo, waxaad arki doontaa qaab aad kula xiriiri karto adeegyada degdegga ah adoo siidhexmaraya dayax gacmeedkaaga iPhone 14 kaaga. Halkaa marka ay marayso, isticmaaluhu waa inuu helaa dayax-gacmeedka sare, dabadeed u jediyaan iPhone-kooda dhinaca dayax-gacmeedkaas si uu ugu xidhnaado.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *