sweatcoin-1

sweatcoin : wax ka ogow appka sweatcoin

Sweatcoin Waa barnaamij App ah oo ku shaqeeya teleefoonnada gacanta ee casriga ah ee loo yaqaan “Smartphones”, waxa aadna si lacag la’aan ah uga soo degsan kartaa suuqyada dhijitaalka ah ee Android, Windows, iyo iOS.

Sanadkii 2016 ayaa markii ugu horraysay la aasaasay barnaamijkan, saldhiggiisuna waa magaalada London ee dalka Britain.

App-kan waxa ay ujeeddadiisu tahay inuu xisaabiyo inta tallaabo ee aad qaaddo marka aad socoto ama ordayso. Mar walba tirada socodkaaga ayaad ku helaysaa lacag abaalmarin ah.

Jimicsiga uu ka mid yahay socodka ee lagu dhimo miisaanka way adag tahay in la joogteeyo, gaar ahaan marka uusan lahayn wax kugu dhiirrigelinaya, balse haddii aad abaalmarin ku helayso waxaa laga yaabaa in uu kuu sahlanaado.

“Ganacsigan gebi ahaantiisba waxaa looga gol leeyahay in qiime loo yeelo dhaqdhaqaaqa,” ayuu yiri Oleg Fomenko, oo ka mid ah aasaaseyaasha Sweatcoin, mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

“Ugu dambayn, sweatcoin waxa uu hayaa waddada uu qiime ugu yeelan lahaa lacagta giniga Britain,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

sweatcoin

Sida iska cad app-ka sweatcoin waxa uu leeyahay labo faa’iido oo qof walba u muuqan karta.

Midda koowaad waa in qofka barnaamijkan isticmaala uu sare u qaadayo caafimaadkiisa, maaddaama uu helayo jimicsi waxtar u leh jirkiisa.

Tan labaadna waa in laga helayo lacag mar walba ku xiran dadaalkaaga inta uu gaarsiisan yahay.

Waa hubaal in labadan arrimood ay sabab u yihiin tirada dadka sii badanaya ee soo degsanaya app-kan oo hadda gaaraysa ilaa 100 milyan, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee sweatcoin.

Sweatcoin kama duwana barmnaamijyada noociisa ah ee kaydiya xogta khaaska ah ee dadka macaamiisha u noqda, inta badanna walaac ayaa laga muujiyaa arrintaas.

Bogga barnaamijkan ayaa si toos ah u caddaynaya in qaybo ka tirsan xogtaada ay qaadanayaan si ay mararka qaar kuula soo xiriiraan shakhsi ahaan ama ujeeddooyin silloon ay u adeegsan karaan.

Waxaa intaas dheer in macluumaadkaaga ku jira bogga aad ku leedahay sweatcoin, sida sawirkaaga iyo magacaaga, uu heli karo qof walba, dibna uu u isticmaali karo.

Shaki kuma jiro in sweatcoin uu yahay app si sax ah u shaqeeya oo aan dadka lagu marinhabaabinayn.

Barnaamijkan marka aad isticmaalayso waxa uu 1,000 tallaabo oo kasta kuu xisaabinayaa 0.95 oo ah lacagta gaarka u ah ee loo yaqaanno sweatcoin.

Marka ay lacagtan kuu gaarto 10 coin iyo wax ka badan ayaad isticmaali kartaa, adigoo ku iibsanaya qalab iyo adeegyo kale.

Ilaa hadda, lacagta sweatcoin ma noqon karto lacag caddaan ah, balse waxa ay ka mid tahay lacagaha dhinaca internet-ka looga adeegto.

Suuqyada online-ka ayaad ka dukaamaysan kartaa adigoo isticmaalaya lacagta sweatcon-ka ee kuugu jirta akoonkaaga.

Meelaha aad uga adeegsan karto waxaa ka mid ah Amazon ama waxaad ku heli kartaa kaararka wax lagu iibsado ee PayPal-ka. Laakiin lacagta kuugu jirta akoonka sweatcoin kuma xawili kartid akoonkaaga bangiga.

linkigan tabo si Aad is Aad ula so degto : https://sweatco.in/hi/zakria_salad

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *