iphone1

Digniin culus oo loo diray dadka isticmaala telefoonnada iPhone-ka

Shirkadda Apple ayaa soo saartay hab cusub oo ay ku hagaajinayso cilladaha amniga ee aaladaha iPhone, iPad iyo Mac, kuwaas oo ay sheegtay in laga yaabo in tuugadu si fudud uga faa’iidaysteen.

Mas’uuliyiinta Shirkaddan teknolojiyadda ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in software-ka cusub uu samaynayo cusboonaysiinta amniga oo muhiim ah, waxaana lagula talinayaa dhammaan macaamiisha inay ku dhaqaaqaan cusboonaysiinta.

Cilladda ayaa u oggolaan karta tuugada inay si buuxda u xakameeyaan qalabka, khubarada soo saare yaasha ah ayaa soo jeediyay cusboonaysiinta, waxaana loo diyaariyay iPhone 6s iyo ka dib, iPad Pro, iPad Air 2 iyo ka dib iyo iPad gen 5th iyo ka dib. Waxa kale oo diyaar u ah iPad mini 4 iyo noocyada dambe iyo iPod touch (jiilka 7aad).

Isticmaalayaasha Mac ee ku shaqeeya macOS Monterey ayaa sidoo kale lagu dhiirigelinayaa inay cusbooneysiiyaan aaladahooda.

Ilaa hadda ma jiraan warar la xaqiijiyey oo sheegaya kiisas gaar ah oo cilladaha amniga loo adeegsaday dadka ama aaladaha.

Cusbooneysiinta softiweerku waa maalin kasta , laakiin tani waa hal cusbooneysiin oo aan la iska indhatiri Karin, maadaama ay diginin culus la socoto.

Dunida ayaa maanta si sax ah uga walacsan amniga internetka iyo awoodda ay isticmaali karaan burcadda inter-net-ka haddii ay bartilmaameedsadaan qalab u nugul weerarka.

Inta badan isticmaalayaasha ma jirto wax ay ka argagaxaan maadaama aysan jirin wax soo jeedinno ah oo sheegaya in jabsadayaashu ay ka faa’iideysteen daldaloollada amniga si ay u qaadaan weeraro ballaaran oo ka dhan ah dadweynaha.

Sidoo kale waa in la sheegaa in qeyla dhaanta ka soo yeereysa baraha bulshada ee ku saabsan cusboonaysiinta amniga ay suurtagal tahay in laga dhigo xad dhaaf.

Apple ayaa soo saartay cusboonaysiinta amniga deg-degga ah ee la midka ah sanadka oo dhan – oo ay ugu dambeysay bishii Maarso – iyada oo aan wax badan laga argagaxin.

Software-ka ka shaqeysiiya telefoonnada gacanta, kumbiyuutarrada iyo aaladaha kale ee shirkadda Apple ayaa si joogto ah loo cusbooneysiiyaa, taas oo ku xiran arrimo kala duwan.

Mararka qaar waxaa looga hor tagaa halis isticmaaleyaasha uga imaan karta bogagga iyo barnaamijyada mobile-ka qaar – mararkaas waxaa la difaacaa xogta gaarka ah ee macaamiisha (gaar-wax-u-lahaanshaha) iyo badqabka aaladahooda.

Marar kalena waxaa looga jawaabaa xog ku saabsan in isticmaaleyaasha qaar ay ku dhibban yihiin culeys ka qabsada waxyaabaha qaar – mararkaas waxaa lagu xalliyaa dhibaato soo korortay.

Taas oo jirta, haddana waxaa dhowr jeer oo hore lagu dhaliilay shirkadda inay si ulakac ah u curyaamiso aaladeeda gaboobay si ay macaamiishu u iibsadaan kuwo cusub.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *