iphone-0

Iphone 14: Ogow wax walba oo ku sabsan iphonenada cusub

Maanta waa maalinki bandhiga Apple, taas oo macnaheedu yahay in apple soo bandhigto qalab cusub . IPhoneno cusub! Saacadaha Apple oo cusub! AirPods cusub! Hadii aadan haysan waqti aad ku dawaro , Ha dhididin – waxaanu kuu soo koobnay sandhog ka kobben 01:35 qaybihiisii ugu muhiimsanaa ee halkan ka aqriso.

New iPhones

Apple talefanada ay soo saartay, ma ahan hal, ama laba, ama Sadex, ee waxa ay soo satay afar iPhones cusub: iPhone 14, iPhone 14 Plus, iPhone 14 Pro, iyo iPhone 14 Pro Max.

IPhone 14 wuxuu lahaan doonaa shaashad 6.1 ah, halka iPhone 14 Plus uu lahaan doono 6.7″. Labaduba waxay ku shaqayn doonaan A15 Bionic chip oo markii ugu horreysay lagu arkay iPhone 13 Pro ee sannadkii hore. kamarad gadaale ama Main camera ayat noqon donta 12MP ah oo leh dareeme weyn oo dhabarka ku yaal, halka kamarad hore ay noqonayso 12MP ayna helayso auto-focus system , selfie ga ayaa ka wanagsan/dhaqsiyo badan sida hore

IPhone 14 wuxuu ku bilaaban doonaa $799, halka iPhone 14 Plus uu ka bilaabanayo $899. Dalabka hore waxa uu bilaabmayaa Sebtembar 9-keeda; IPhone 14 waxa la deliver garayn doonaa laga bilaabo Sebtember 16-keeda, halka IPhone 14 Plus la deliver garayn doono laga bilaabo 7-da Oktoobar.

Waxaa xusid mudan, labada noocba malahaan doonaan SIM-ka ee gudaha Mareykanka – waxay noqon doonaan eSIM oo keliya, iyagoo ka hortagaya in kaarkaaga SIM-ka lagu dhejiyo taleefan kale haddii uu lumo ama la xado.

Sida Modelada hore oo kale , iPhone Pro iyo iPhone Pro Max waxay shaashadohooda noqon doonaan 6.1, iyo 6.7, siday u kala horreeyaan. Haddaba maxay ku kala duwanyihiin?

  • Labada nooc ee Pro waxay ku shaqeyn doonaan chip cusub, oo lagu magacaabay A16 Bionic halka 14 iyodürden 14 plus ay ku shaqayn donan A15 Bionic sida aan hora ku sheegnay.
  • Apple waxa ay kaamirada hore ka fogaysay cidhifka iyo soo bandhigida nakhshad ay ugu yeedhayso “jasiiradda firfircoon ( dynamic island ) “, taas oo loogu talagalay in loo gooyo kamarad si qaabaysan oo si qurxoon ula fal galaysa Software ka.
  • 2000 nit outdoor brightness
  • Camerada dambe ee talefanku waxa uu leeyahay 3 lenses: 48 megapixel main camera , 12MP lens telephoto, iyo 12MP ultra wide lens oo Apple ay sheegtay in uu ka awood badanyahay sidii hore.

IPhone 14 Pro wuxuu ku bilaaban doonaa $999, halka iPhone 14 Pro Max uu ku bilaaban doono $1099. Labaduba waxa kor la dalabanyaa Sebtembar 9-keeda waxayna bilaabaan doontaa dhoofinta Sebtember 16-keeda.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *