bangladesh

Bangladesh ayaa xirtay Instagram, WhatsApp iyo Youtube

Dalka bangladesh ayaa xiray dhowr platform oo ah kuwa kugu caansan baraha bulshada ayna ka midyihiin Instagram, Youtube, WhatsApp iyo Tiktok. Sida ku cad wararkii soo baxay 2dii bishan August, Go’aan kan ka sobaxay Bangladesh waxa uu xanibayaa isticmaalka dhamaan barahan bulshada ugu caansan.

Global Eyes News ayaa soo bandhigtay markii u horaysay in xiritanka uu ku koban yahay platform X. lakin ay so baxday subxnimadii in dhamaan baraha ugu cansan lawada xiray.

Maxaa sababay in laxiro.

Waxa jira kacdoon loga soo horjeedo dowlada ay hogaamiso raysalwasaaraha dalkaas marwo Sheikh Hasina, Hadaba baraha bulshada ee laxiray ayaa qayb wayn ka qaatay in kacdoonka uu meelo badan gaaro. Taas oo ugu danbayntii sababtay inay dowlada xirto dhamaan isticmaalka baraha bulshada ugu caansan

Horay ayaa loga xiray Meta platforms keda

Marka loo eego xogaha kasobaxaya bangladesh waxa uu xiritankan la daba socdaa xiritaanadii logaysatay platformska Meta ee facebook iyo instagram oo horay loga xiray bishii july.

Internet speed iyo isticmaalka VPN ka.

xogaha ayaa shegaya hoos u dhac ku dhacay internaet ka inuu 1 August inuu ku soo laabtay si caadi ah. Laakiin Malaayiin qof oo isticmaala talefanada ayuu saameyey xiritanka barahan bulshada waxa ayna isku dayayaan inay isticmaalaan VPN kaas oo sababaya inuu internet ka uu xawaarihiisa hoos u dhaco.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *