letv-leeco-s1-pro-iphone

Iphone 14 Pro oo $ 134 la sinayo

LeEco waxay hadda ku dhawaaqday taleefan cusub oo loogu talagalay Bandhiga Guga (Sannadka Cusub ee Shiinaha, kaas oo ah Janaayo 22 ee sanadkan).

LeEco S1 Pro waa mobile aad logu ekaysiyey phone 14 pro , sido kale waxa uu leyahy Dynamic Island lamid ah midka iphone ka

LeEco S1 Pro waxa uu leyahy shaashad ah 6.5-inch 720x1600px LCD of a standard 60Hz refresh rate , sidoo kale RAM ka iyo Storage ka ayaa hal ah oo waxa uu kusobaxayaa 8GB Ram iyo 128GB oo Storage ah.

Batteryga LeEco S1 Pro waa 5,000mAh oo leh 10W charging . Waxaa jira kamarad 5MP ah oo hore ah iyo 13MP kamarad weyn oo xagga dambe ah. Nasiib xumo ma wadashaqeeyaan sadexda camero ee danbe , keliya hal kamero ayaa ka shaqaysa.

Mobilkan ayaa qima ahaan aad u hooseeya waxa uuna ku so baxaya 8/128 ku $ 134 oo aad uga raqiisan talefanka iphone ka ah

most downloaded appss

Apps ka loogu degista badanyahay calaamka

sanad walba waxaa soo baxa shikado badan ama apps badan sidoo kale waxaa suuqa kabaxa apps badan .

hadaba qormadaan waxaan kugula wadagayanaa apps kii loogu degsiga badnaa sanad kii dhamaadey 2022 .

Dhammaan xogtan waa iOS iyo Google Play oo la isku daray, marka laga reebo xogta Shiinaha oo ah iOS kaliya. Xogtan waa laga bilaabo 1/1/2022 ilaa 12/20/2022.

most downloaded apps

Sannadkii saddexaad oo isku xigta, TikTok wuxuu ahaa app ka mobilada ee loogu soo dejinta badnaa adduunka oo dhan.

Bytedance waxa sidoo kale listiga ugu jira appka CapCut oo 10ka ugu sarreeya sanadkii labaad ee isku xigta ka soo muuqday marka laga yimaado tiktoga, CapCut waa app lagu hagajiyo muuqaalada.

Sidoo kale Meta ayaa leh saddex ka mid ah 10ka barnaamij ee ugu badan ee la soo dejiyo sanadkii 2022; Instagram, WhatsApp, Facebook.

most downloaded apps

Markii ugu horeysay abid, SHEIN waxay noqotay App-ka wax iibsiga ee ugu badan ee la soo dejiyo sanadkan. Waxay ahayd lamabrka 4aad sanadka 2020 iyo lambarka 2aad sanadka 2021.

Markii ugu horeysay, Sweatcoin wuxuu noqonayaa barnaamijka caafimaadka iyo jimicsiga ee ugu badan ee sanadkii 2022 la soo dejiyo adduunka oo dhan.

12

Iphone 14: Adeegga degdega ah SOS ee ku xiran dayax gacmeedka ayaa hadda la heli karaa.

Apple maanta waxay ku dhawaaqday in Xaaladda Degdegga ah ee SOS ee ku xidhan Satelite-ka in hadda laga heli karo iPhone 14 nada. Shirkadda ayaa markii ugu horreysay ku soo bandhigtay feature kan munaasabadda lagusoo bandhigay iPhone 14 nada bishii Sebtembar ee sanadkan, iyadoo sheegtay in la isticmaali karo bisha November oo hadda ah. adeegan ayaa hadda laga heli karaa Maraykanka iyo Kanada laga bilaabo maanta wuxuuna ku fidi doonaa wadamo dheeraad ah bisha Diseembar.

iphone-14-sos

Nooc kasta oo ka mid ah talefanada iPhone 14 ka ah wuxuu lahaan donaa adeegan. Isticmaalayaashu waxay u baahan yihiin inay la soo degaaan software-ka ugu dambeeya (iOS 16.1 wakhtiga qoraalkan) feature kan si toos ah ayuu u shaqeyn doonaa isaga oo aan la furin . Isticmaalka adeegan, oo Apple ay rajaynayso inaadan waligaa isticmaalin hadda ka hor, isticmaalayaashu “waxay si toos ah ugu xidhi karaan dayax-gacmeedka .

Markaad joogtid aag aan Wi-Fi lahayn, adeegga internata iyo wicitaanka lama heli karo, waxaad arki doontaa qaab aad kula xiriiri karto adeegyada degdegga ah adoo siidhexmaraya dayax gacmeedkaaga iPhone 14 kaaga. Halkaa marka ay marayso, isticmaaluhu waa inuu helaa dayax-gacmeedka sare, dabadeed u jediyaan iPhone-kooda dhinaca dayax-gacmeedkaas si uu ugu xidhnaado.

mastodon-app

Mastodon: Bartan cusub hawada maka saari doonta twitter ka?

Markii uu maalqabeen Elon Musk la wareegay Twitter, dad badan oo ku xirnaa bartaas ayaa billaabay inay raadsadaan meel kale, waxaana soo caan baxday barta Mastodon. Hadda maxay tahay bartan?

Bartan oo ah mid ay bulshadu ku wada xiriirto oo la sameeyay lix sano ka hor, ayaa sheegtay inay ku xiran yihiin 655,000 oo cinwaan, oo 230,000 kamid ah ay ku soo biireen todobaadkii tegay.

Muuqaalka kore waxa ay uga egtahay Twitter. Qoraalkeeda waxaa loo yaqaan toots, waana mid ay dadka kale ka jawaabi karaan oo ay like saari karaan. Hase yeeshee Mastodon waxay u shaqeysaa si ka duwan Twitter.

Marka ayaa cinwaan cusub ka furato Mastodon, waa in aad doorato server. Waa ay kala duwan yihiin noocyada server-rada, waxaadna ka dooran kartaa dalkaaga, magaalada aad u nooshahay iyo waxa aad jeceshahay.

Midka aad doorato kaama reebayo in aad la saaxiibto oo aad hesho xogta dadka doortay server-rada kale, hase yeeshee kan aad ku xiran tahay ayaad ka helaysaa macluumaadka ugu badan.

Sababta ay server-rada u kala duwan yihiin ayaa lagu sheegay in Mastodon ay tahay shirkado isu tegay oo ay leeyihiin shakhsiyaad kala duwan.

Si ka duwan Twitter, Mastodon qofka uma tilmaanto cinwaannada uu raaci karo.

Waxaa walaac laga muujiyay in qeybo kamid ah Mastodon aanay lahayn shuruuc xakameysa qoraallada iyo muuqaallada xanafta leh, sida kuwa xambaarsan naceybka.

Bartan cusub ayaa isticmeelkeedu yahay lacag la’aan, mana laha wax xayaysiin ah.

editin thapm

YOUTUBE CHANNELSKA AAD KA BARAN KARTO VIDEO EDITING KA

Youtube ka waxa uu ka mid yahay website yada ugu wanagsan ee Aad wax kabaran karto , muqalo gaagaban iyo courses ba waa web laga heli karo.

hadaba halkan waxa aan kuugu so gudbinaynaa YouTube channels Aad kabaran karto sida loo hagaajiyo Muuqalada .

1. Cinecom.net

2. Premiere Gal

3. Justin Odisho

4. Adobe in a Minute

5. Premiere Basics

6. Storysium 

7. Enam Alamin

8. KYLER HOLLAND

9. Olufemii 

sodemy

sodemy : website aad kabaran karto courses soomaali ah.

Onilena ka waa melaha ugu wangsan ee aad wax kabran karto , lkin inta badan luqada soomaaliga way ku yartay .

hadaba webkaan waxa aad kabarn karta courseska badan oo hadaa barto kuu horsedaya inaa shaqo ku hesho am adigu aad ku abuurato ganacsi kuu gaar ah .

webkaan sidoo kale waxa uu kamidyahy websiteaya courses kooda ay aadka raqiis ka u yihiin ,

webkaan waxaa ku geli halkan

classs

Free Courses : Baro courses bilaash ah

Intenka waa melaha ugu wangsan ee aad wax kabaran karto , aadna ka heli karto courses bilsh ah iyo kuwo lacg ah labadab.

hadaba halkan waxa aaan kuugu so gudbinaynaa website ka aad ka helayso courses walba oo aa u bahan tahay iyaga oo bilaash ah laguuna barayo sida ugu wanaagsan.

website kan waxaa aad ka helaysaa courses bilash ah iyo oo leh free certificate , waxaana kabaran kartaa jamacadaha iyo institutions ka ugu wangsan caalam ka ,

hadaba halkan ka booqo webka ama muqalkan hose daawo

iphone 11

Midabada iphone 14 ka: Midkee ayaad hysataa

IPhone 14 iyo iPhone 14 Plus waxay leeyihiin shan midab, halka taxanaha iPhone 14 Pro uu leeyahay afar. Waa kuwan dhammaan midabada iphone 14 ka!

iphone

Iphone ka midabkee ayaad ibsan lahayd ?

talefannada Apple ee taxanaha ah ee iPhone 14 ayaa lagu heli karaa midabyo kala duwan. IPhone 14 iyo iPhone 14 Plus ayaa lagu heli karaa shan midab: Buluug, Purple, Saqda dhexe (Madaw), Starlight (Silver/White), iyo Casaan. iPhone 14 Pro iyo iPhone 14 Pro Max waxaad ka heli kartaa afar midab: Deep Purple, Gold, Silver, iyo Space Black.

Midabad iphone 14 iyo iphone 14 plus

Blue

iphone

Purple

Midnight

Starlight

Red

Iphone 14 pro iyo iphone 14 pro max

Deep purple

Gold

Silver

Space Black

IPhone midabkee ayaad is leday iibso? Noogu sheeg faallooyinka ( comment ) hoose!

whatsapp-2-1

Whatsapp : waxaa dib uso laabtay whatsapp

Afahayeen u hadlay shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa sheegay in dadka qaar ay haatan ay dhibaato kala kulmayaan farrimaha la isugu diro WhatsApp isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga saari lahaa ciladdaas.

“Waxaan la soconnaa in dadka qaar ay haatan dhibaato kala kulmayaan farriimaha la isugu diro WhatsApp, waxaan si deg deg ah uga shaqeyneynaa sidii aan ciladdaas meesha uga saari laheyn”

Sida laga soo xigtay hay’adda dusha kala socota Internetka ee NetBlocks ayaa sheegtay in ciladda ay saameysay dadka isticmaala WhatsApp ee ku sugan guud ahaan caalamka.

whatsapp 1

Whatsapp : Cillad ku timi Appka whatsapp

Waxaa hawada ka maqan barta WhatsApp-ka oo ay dad badan si weyn u adeegsadaan, waxay arrintan saameysay dad isticmaala WhatsApp guud ahaan caalamka.

Shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa saaka shaacisay ciladdan.

Dad badan ayaa baraha bulshada ku baahinayay cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin ama wax farriin ah uusan qofka heleynin.

WhatsApp, waxaa isticmaalaa ku dhawaad 2 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.

Waa mid kamid ah baraha caanka ka ah adduunka.