english

English: 30 maamood ku baro english ka

Hadii aad tahay arday ama aad jecashay in aad barato luuqadda Englishka halkan waxa aan kuugu soo gudbinaynaa qaababka aad u baran karto iyo goobaha aad kabaran karto.

waxaa jirta ka soomaali ahaan in marka aan baranayno English ka an qadano casharo wada hadal ah (Conversation) kaas oo kenay inaan xifdis ahaan u barano luqada Englishka oo hadii inta aan xifdinay wax dhafsisan la inakula hadlo inaynaan fahmin.

Hadaba qaababkan waa kuwa kuu sahlaya inaa muddo kooban aad ku barato luqadda Englishka ama luqadaha kale .

1. Dhagaysi

In aad dhagaysato dadka ku hadla Englishka sida tv yada ,Vlogers iyo doodaha Englishka ka ah ama Luqadda aad rabto hadii luqad kale aad baranayso. app kan hose waxaa loo yaqaan BBC learning English waxa uuna kaa cawinayaa inaa daawato/dhagaysato wararka BBC iyo barnaamijyo kale oo kuu fududaynaya inaa barato Englishka.

sidoo kale waxa appkan ku sinayaa ereyada ugu muhiimsan ee ku jira barnaamijyada ad daawato/dhagaysato fasiraadoda.

2. Akhris

Hadii aad akhriso qoraalada Englishka malin walba waaxa kuu fududaanaysa fahanka qormooyinka aad akhrinayso sidoo kale waxaa kuu fududaanaysa inaa si dhaqsiyo ah aad u akhriso qormooyinka. waxaana kahelaysaaa ereyo badan oo ay markaas kuugu horayso waxaana muhiim ah inaa kaydiso ereyada aadna xifdido.

Buugaagtu aad ayey muhiim u yihiin si aad u hesho qormooyin cilmi ahaan iyo luqadda aad baranayso ahaan ba ku anfacaya . hadaba apkan hose ( Speak English Fluently ) iyo midka sare waxa ay kaa cawinyaan in aad wax akhriso sidoo kalena dhagaysato qormooyinka aad akhrinayso.

3. Ku hadlid

Si aad awood ugu yelato in aad kulahadsho luqada Englishka waa in aad hesho dad aad kula hadasho oo kaa saxa dhawaqa sidoo kalena erayo cusub kubara. hadaba appkan hoose (HiNatives) waxa aad ka helaysaa dad udhashay english ka ama luqadda akle ee aad rabto inaad barto.

sidoo kale waxa aad ka helaysaa dad baranaya luqadda Englishka waxadna helaysaa macalimiin kaa saxa qalaadka .

Tags: No tags

5 Responses

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *