Apple-iPhone

Ha iibsan talefan adigoon iska hubin

Hadii aad rajaynayso inaa ibsato talefan iphone ah waxa aad u bahantahy inaa wax yalo badan aad iska hubiso.

Waxaa dhici karta in lagaaga aibiyo talefan la isticmaalay cusayb ahaan ama mid fake ah lagaa iibiyo iyada oo lagaaga dhigayo orignal.

Hadaba waxa aad ubahantay inaa iska hubiso dhowr waxyaalood oo kuu tilmaamaya nooca talefanka aad iibsanayso.

1. hubi in talefankaaga horay lo isticmalay

Waxa marmarka qaar dhacda in taefan la furay ama la isticmaalay in dib box logu so rido isaga oo laga dhigayo cusayb hadaba kahor inta aadan cartoonka furin laguuna tijabin si aad isaga hubi in horay lo isticmaalay geli IMEI halkan

Hadii mesha ugu horaysa Past First Activation ee ay kuqorantahay ay tahay NO micnaheda waa in talefankaaga cusub yahay adigana aad noqnayso qofka u horeeya lakin hadii ay ku qorantahay Yes waxa ay kadhigantahay in talefankaas horay loo isticmalay,

Sido kale waxa uu kutusinaya xilliga la furay talefankas mesha ay kuqorantahay Estimated Purchase Date

2. iska hubi talefankaaga modelkiisa

Iphone ka waxa u leyahay models kala duwan kuwaas oo midwalba wax gaar ah kuu shegayo, Hadii aad celis ahaan ku iibsanayso talefan iphone ah waa inaa iska hubiso meshaan waayo waxa aad ogaanaysaa noca iphone uu yahay.

Hadaba waxa aad tegaysaa Setting kadibna General kadibna About mesha ay ku qoranatahay model Number

  1. Hadii uu ka bilaabmo M talefankaas waa cusayb
  2. Hadii uu ka bilaabmo F talefankaas waa Refurbished device ama shirkada aya dhib uso hagajisay
  3. Hadii uu ka bilaabmo N talefankaas waa Replacement device ama mide lagu so bedelay talefan kale
  4. Hadii uu ka bilaabmo P talefankaas waa Personalized device
Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *