threads1

Maxad ka ogtahay appka cusub ee ku so biiray baraha bulshada

Toban milyan oo ciwaan ayaa iska diiwaan galiyay barnaamijka cusub ee shirkadda ee lagu magacaab Threads todobadii saacadood ee ugu horeyaysay markii uu hawada soo galay, sidaas waxaa yiri mulkiilaha shirkadda Mark Zuckerberg.

Barnaamijka ayuu la yimid si uu ula xifaaltimo Twitter oo ay loolamaan, kaas oo bishii October uu la wareegay Elon Musk.

Khubaro ayaa qabta in Threads uu soo jiidan karo qaar kamid dadka isticmaala Twitter ee aan ku faraxsanayn isbadallada dhawaan la sameeyay.

Barnaaijkaan ayaa qofka isticmaala u suura galinaya inuu qoro ilaa iyo 500 oo xaraf, wuxuu leeyahay arrimo isticmaal gala sida twitter ka.

Dhawaan ayuu Mark Zuckerberg sheegay in barnaamijkaan uu noqon doono mid saaxiib la ah dadla… taasina ay horseedi doonto guusha madashan”.

Balse Musk ayaa ku jawaabay:”Dhab ahaantii waxaa fiican in dad aadan garanayn ay kugu dhex weeraraan Twitter intii aad ku raaxeysan lahayd farxadda beenta ah ee xanuunka la qarsado ee dhextaalla Instgram.

Talaabadan ayaa ah tii ugu dambaysay xifaaltanka u dhaxeeya Labada nin ee kala leh labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk.

Bishii hore ayey labada nin ku ballameen inay dagaal fool ka fool ah galaan, walow aan la hubin sida ay daacad uga yihiin arrintaas.

“Waa ilaah mahaddii in ay si miyir-qab leh u maamulayaan” ayuu yiri Musk oo ka jawaabayey qoraal twitter la soo dhigay.

Dhanka kalena, Twitter ayaa sheegtay in halka laga maamulo bogga hore (Dashboard) iyo halka qoraallada lagu qoro ay lacag noqon doonaan 30n maalmood ka dib.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee Musk uu isku dayayo in dadka ku xiran ay iska diiwaan galiyaan calaamadda buluugga ah.

Sabtidii wuxuu ninkaas maal-qabeenka ah xannibay tirada qoraallada (tweets) ee qofka caadiga ah uu arki karo, taasoo keentay in loo arko “xog saarid” ba’an.

Waxay u muuqataa in barnaamijka cusub ee Threads uu yahay adeeg lacag la’aan ah oo aysan jirin xannibaad saaran inta qoraal ee uu qofku arki karo.

“Threads waa goob ay bulshadu ku kulanto oo ay kaga doodaan wax kasta oo la xiriira mowduucyada maanta kugu taagan ilaa iyo waxa berri la hadal hayn doono” sidaas waxay ku qoran tahay App store-ka ama halka barnaamijkaas lagala soo degayo.

Sawirrada laga soo qaaday barnaamijkaas ayaa muujinaya inuu u egyahay Twitter.

Barnaamijkaas, sida barnaamijyada kale ee shirkadda Meta, wuxuu helayaa xogta telefoonkaaga oo ay ku jiraanhalka aad ku sugan tahay, waxyaabaha ad iibsato iyo taariikhdaada internetka.

Barnaamijyo kale oo aad ugu eg Twitter ayaa soo baxay sannadihii dhawaa midka Donald Trump ee Truth social iyo Mastodon.

Barnaamij kale oo isn aad ugu dhawaa Twitter oo la yiraahdo Bluesky ayaa sheegtay in dad badan ay soo booqdeen wixii ka dambeeyey markii Musk uu xannibaadda soo rogay maalmo ka hor.

Threads ayaa ah khatarta ugu weyn ee Twitter uu wajahayo ilaa hadda.

Taariikhdiisa marka la eego Mark Zuckerberg waa nin afkaarta ka qaata shirkado kale kana dhiga kuwo shaqaynaya.

Muuqaallada Meta ayaa si weyn looga daawaday TikTok,ayadoo sheekooyinkana ay u egyihiin kuwa Snapchat.

Meta waxay leedahay awoodda ay kula tartami karto Twitter.

Threads waxay qayb ka noqonaysaa Instagram, waxaana sidaa ugu xirmaya boqolaal malyan oo bar, mana mid eber ka soo bilaabanaysa sida kuwa la tartamaya.

Inkastoo Muska y dadka qaar ku amaaneen ka go’naanshihiisa xorriyadda hadalka, misna wuxu faquuqay qaarkood.

Mr Zuckerberg wuxuu quuddarraynayaa inuu soo jiito dadkaas qaar ka mid ah dadkaas dibadda laga dhigay Twitter si uu ugu abuuro baddiilkeeda

Xigasho: BBC Somali

Tags: No tags

One Response

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *