iSIM-1

SIM , eSIM IYO iSIM MAXAY KU KALA DUWAN YIHIN

Tiknoolajiyada cusub ee SIM card ka ee loo bixiyey (iSIM) waxa ay ledahay faa’iidooyin badan marka lo ego tiknolojidi ka horaysay e eSIM, 

Qualcomm waxay iskaashi la samaysay Vodafone iyo Thales si ay u abuuraan jiilka labaad ee tignoolajiyada iSIM, kaas oo loo dejiyay inuu beddelo kaadhadhka SIM-ka ee horay u jiray, waxayna horumarisay tignoolajiyada eSIM. Xalka la soo jeediyay wuxuu samayn karaa meel bannaan taleefannada smartphones ka ah dhexdooda, ama waxa mesha ka baxaya booskii SIM ka. Hadaba waxa aan is barbar dhigaynaa SIM, eSIM iyo iSIM.

Waa maxay SIM ?

Kaarka SIM-ka wuxaa loosoo gaabiyey yahay ubscriber Identity Module. Waa wax yar, oo la qaadi karo oo kaydin kara macluumaadka ku saabsan isticmaalaha. Waxa uu ka kooban yahay koodh todobo iyo toban-god ah kaas oo ku siinaya koodhka dalka uu asal ahaan ka soo jeedo. Kaarka SIM-ka ayaa mas’uul ka ah isku xirka isticmaalaha shabakadda wireless-ka, u oggolaanaya gudbinta wicitaannada, fariimaha qoraalka, ku xirnaanta internetka, iyo in ka badan. Kaadhadhka SIM-ka waxa kale oo ay kaydin karaan macluumaadka xidhiidhka, lambarada telefoonada, fariimaha SMS-ka, macluumaadka biilasha.

Waa maxay eSIM ?

eSIM farsamo ahaan waa la mid SIM-kaarka jira hadda. “e” waxa ay u taagan tahay “embedded”, sidoo kale eSIM-ka waa qalab yar oo ku dhex jira taleefanka casriga ah ama smartphones ka . eSIM sidoo kale waxaa si weyn loogu isticmaalaa saacadaha smart iga ah ama smartwatches-ka, iyo laptop-yada qaarkood. 

Tiknoolajiyada eSIM waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay ku isticmalaan mobilkoda in ka badan hal lambar, kaas oo markaa ku xidhi kara shirkado badan. Tiknoolajiyada waxaa loo isticmaalaa inta badan taleefannada casriga ah iyo saacadaha smartwatches, waxayna fursad u haysataa inay noqoto jaangooyooyinka cusub, oo ay bedesho baahida booska SIM-ka kaas oo qaada boos dheeri ah gudaha aaladaha yaryar, 

Waa maxay iSIM ?

iSIM asal ahaan waa tignoolajiyad cusub, waxayna bixisaa faa’iidooyin la mid ah eSIM. Faa’iidada ugu weyn uguna cad ee iSIM waa in ay qaadato xitaa meel ka yar eSIM maadaama aysan u baahnayn xitaa boos yar gudaha taleefannada casriga ah iyo aaladaha kale, maadaama ay ku dhexjirto chipset-ka mobilada. hadaba “i” waxay u taagan tahay “integrated” waana qayb ka mid ah processor-ka casriga ah.

Aragti ahaan, processor-ka cusub ee Qualcomm wuxuu u taageeri karaa si caadi ah, wuxuuna u oggolaanayaa isticmaaleyaasha inay si fudud talefanadooda ugu install garaystaan SIM-kaadhka, iyagoo helaya faa’iidooyin la mid ah tikniyoolajiyadda eSIM, 

Tags: No tags

One Response

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *