logo-de-tiktok

TIKTOK, 1XBET WAA LAGA XIRAY SOOMAALIYA

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka.

“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda isgaarsiinta.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.”

Tags: No tags

2 Responses

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *