TikTok-App-Screen-Mobile-GettyIm

Tiktok oo war ka so sartay Soomaaliya

Badqabka online-ka: Masuuliyad Wadareed ay Sharaf u Tahay TikTok inay Muhiimadda siiso. Ka wada shaqaynta xaqiijinta in bulshada Soomaaliya ay helaan Badqab Loo Dhan Yahay #WadajiraaBadqaba

Ayadoo dhawaan ay qabatay taxaneyaasha aqoon kororsiyada, TikTok ayaa aqoonsan in Badqabku uu muhiimadda koowaad u yahay bulshada ku dhaqan Soomaaliya waxaana aaminsanahay in wada shaqeyntu ay aasaas u tahay ilaalinta Badqabka aapp-ka .

TikTok ayaa soo qabanqaabisey mashaariic badan ee lagu xaqiijinaayo badqabka online-ka , oo ay ka midtahay cusbooneysiin balaaran oo lagu sameynaayo Tilmaamaheeda Bulshada. Kuwaani waa xeerarka iyo heerarka ka qayb noqoshada bulshada isticmaasha TikTok, kuwaasoo qabanaaya qof kasta iyo wax kasta oo aalada ku jira. Ayadoo lagu saleynaayo falcelinta ka timid isticmaaleyaasha iyo wada tashi aan la samaynay in ka badan 100 ururrada khibrada leh ee daafaha caalamka. Cusbooneysiintaan ayaa hormarisay dedaalka aaladu gelinayso hufnaanta ayadoo siinaysa qof kasta xog ku saabsan xeerarka badqabka iyo sida TikTok u dhaqan gelinayso.

“Waxaa sharaf noo ah inaan dhaqan gelinay cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada, anagoo siinayna bulshadeena hufnaan dheeri ah oo ku aadan xeerarkeena iyo sida aan u fulino. Waxaa loo baahanyahay in dadka dhan ka wada shaqeeyaan si loo difaaco amaankooda online-ka , marka waxaan uga mahad celinaynaa qof kasta oo kamid ah isticmaaleyaasha TikTok iyo dhammaan khubarrada ee doorka ka qaatay siina wada inay naga caawiyaan hormarinta xeerarkeena iyo ka hortaga khataraha imaan kara.”, ayuu yiri Kevin Morgan, Madaxa Kalsoonida iyo Badbaado, EMEA.

Si loo xaqiijiyo hufnaan joogto ah, TikTok ayaa faafisay warbixinnada saddexdii biloodba mar lasoo saaro ee Dhaqan Gelinta Tilmaamaha bulshada oo laga heli karo Xarunta Hufnaanta, taasoo faahfaahinaysa talaabooyinka la qaaday si looga hortago waxyaabaha lagu faafiyo TikTok oo xadgudubka ah.

Rubuca 4aad ee 2022 (Warbixinta lasii Daayay Maarso 31, 2023), TikTok ayaa barteeda ka saartay 85.68 milyan oo muuqaal u dhiganta 0.6% dhammaan muuqaallada lasoo geliye aalada. Isla waqtigaas, TikTok ayaa hawada ka saartay in ka badan 280,000 muuqaallo oo jebiyay xeerarka adeegga ee Soomaaliya, halka 98.7% kamid ah muuqaallada xeerarka jebiyay la aqoonsaday lana tiray kahor intaan lasoo sheegin.

Shaqada badqabka keligeen ma xaqiijin karno. Wada shaqeynta aaladaha online-ka ah iyo laamaha sharciga ee dawladaha ayaa muhiim u ah xaqiijinta badqabka isticmaaleyaasha.

Asagoo adkaynaaya muhiimada wada shaqeyntu u leedahay xaqiijinta in bulshadu hesho Badqab Loo dhan yahay, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) ee Somaaliya , Md.Mustafa Y. Sheik ayaa sheegay: “Laamaha sharciga ee qaranka iyo Hay’addaIsgaarsiinta Qaranka ( HIQ) ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara xaqiijinta in aaladaha sida TikTok ay amaan ku helaan dhammaan isticmaaleyaasha. Waxaan muhiimad siinaynaa wada shaqeynta u dhexaysa TikTok iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee xaqiijinta in isticmaaleyaasha aaladu ay aqoonsadaan ayna adeegsadaan farsamooyinka si ay uga caawiso kahortaga waxyaabaha khatarta badan, gaar ahaanna waxyaabaha dhiiri gelinaaya argagixisada iyo fallaka sharci darrada ah.

Waxaan aqoonsan nahay aana uga mahad celinaynaa TikTok bilaabista barnaamijyada wacyigelinta isticmaaleyaasha ku nool Soomaaliya ayadoo adeegsanaysa hal-kudhiggeeda #WadajiraaBadqaba, cusbooneysiinta qaybaha badqabka iyo cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada. Marki aan si wadajir ah u wada shaqeyno waxaan abuuri karnaa, dadkana bari karnaa talaabooyinka badqabka ee ku habboon dhammaan da’aha kaladuwan, iyo in aan ka difaacno isticmaaleyaasha khatarta islamarkana ilaalinayna waxyaabaha wacyi gelinta iyo hal abuurka leh kuwaasoo ixtiraamaya dhaqanka, mabaadii’da, iyo caadooyinka bulshadeena.”

TikTok waxaa keliya isticmaali kara dadka jira 13 sano iyo ka wayn, aalada ayaana suuragelisay sugida badqabka bulshada da’yarta ayadoo si joogto ah u casriyeysa qaybaha sida:

– Wadaagga Qoyska oo u sahlaaya waalidiinta ama masuuliyiinta inay ciwaankooda Tiktok ku xiraan ciwaannada dhalintooda ayna maamulaan qaybaha kaladuwan ee badqabka iyo habeynada asturnaanta(safety & privacy settings) – ayna ku jiraan inay doortaan in ciwaanku noqdo mid dadwayne ama mid gaar ah, cida faallo ka bixin karta muuqaaladooda, iyo mudada ay ku qaadanayaan TikTok maalin kasta.

– TikTok waxay ka xanibaysaa bulshada da’yarta inay galaan qaybaha qaar. Tusaale, ciwaannada dhalinta da’aha 16 iyo ka yar ma adeegsan karaan Farriimaha Tooska ah, halka ciwaannada bulshada da’aha ka yar 18 sano aysan geli karin LIVE.

– Si loo caawiyo bulshada da’yarta oo ka yar 18 sano inay yeeshaan dabeecadaha online-ka oo wanaagsan, Tiktok ayaa dhawaan dejisay waqtiga isticmaalka shaashada aalada oo ah 60 daqiiqo keliya maalintii.

Arimaha badqabka bulshada guud ayaa sidoo kale muhiim ah, TikTok na waxay abuurtay adeegyo kaladuwan oo ka caawinaaya bulshada maamulida khibradooda aapp-ka ayagoo adeegsanaaya qaybaha soo socda:

Habeynada Asturnaanta(privacy settings): Ayadoo la adeegsanaayo qaybahaan, isticmaaleyaasha ayaa awooda inay go’aansadaan cidda raaci karta iyo cidda ay ku macaamilayaan ciwaankooda; halka ciwaannada ay leeyihiin 13-15 jirada asturnaanta asal noqoto .

Kala hufida faalooyinka: TikTok waxay abuurtay sifooyin noocyo badan ee faalooyinka, oo u sahlaaya isticmaaleyaasha inay doortaan faalooyinka ay doonayaan inay ku arkaan muuqaaladooda, waxay ku xirayaan erayo gaar ah oo ay doonayaan in laga saaro faalooyinkooda, iyo inay soo sheegaan, tiraan ama xanibaan ilaa 100 faalooyin iyo ciwaanno halmar.

Qaybta warbixinta isticmaalaha: Qaybtaan waxay u sahlaysaa isticmaaleyaasha inay si qarsoodi ah u soo dacweeyaan waxyaabaha anshax darada ah ama fal ay ku arkaan aalada, si TikTok ay u baarto ayna u tirto haddii u jebinayo Xeerarkeena Bulshada. Talaabadaan waxay sii adkaynaysaa muhiimadda wada shaqaynta iyo ka saarida aalada waxyaabaha kasoo horjeeda Xeerarka Bulshada.

TikTok waxay ku dhaqantaa masuuliyada ka saaran hormarinta adeeg badqab leh ee aaladeeda iyo hubinta khibrad kalsooni leh isticmaaleyaasheeda oo dhan. Maadaama ay tahay aalad madadaalo oo sii balaaranaysa, TikTok ayaa balan qaadeysa inay si heegan ah uga shaqeyso kor u qaadista khibrada aaladaha casriga ah ee bulshada.

Si aad u heshid xog dheeri ah oo ku sabsan tilmaamaha amaanka ee TikTok oo ay sameeyeen hal-abuurada TikTok ee Soomaalida ah, booqo hal-kudhigga #WadajiraaBadqaba ee gudaha aapp-ka iyo XaruntaBadqabka ee TikTok.

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *