iSIM-1

SIM , eSIM IYO iSIM MAXAY KU KALA DUWAN YIHIN

Tiknoolajiyada cusub ee SIM card ka ee loo bixiyey (iSIM) waxa ay ledahay faa’iidooyin badan marka lo ego tiknolojidi ka horaysay e eSIM, 

Qualcomm waxay iskaashi la samaysay Vodafone iyo Thales si ay u abuuraan jiilka labaad ee tignoolajiyada iSIM, kaas oo loo dejiyay inuu beddelo kaadhadhka SIM-ka ee horay u jiray, waxayna horumarisay tignoolajiyada eSIM. Xalka la soo jeediyay wuxuu samayn karaa meel bannaan taleefannada smartphones ka ah dhexdooda, ama waxa mesha ka baxaya booskii SIM ka. Hadaba waxa aan is barbar dhigaynaa SIM, eSIM iyo iSIM.

Waa maxay SIM ?

Kaarka SIM-ka wuxaa loosoo gaabiyey yahay ubscriber Identity Module. Waa wax yar, oo la qaadi karo oo kaydin kara macluumaadka ku saabsan isticmaalaha. Waxa uu ka kooban yahay koodh todobo iyo toban-god ah kaas oo ku siinaya koodhka dalka uu asal ahaan ka soo jeedo. Kaarka SIM-ka ayaa mas’uul ka ah isku xirka isticmaalaha shabakadda wireless-ka, u oggolaanaya gudbinta wicitaannada, fariimaha qoraalka, ku xirnaanta internetka, iyo in ka badan. Kaadhadhka SIM-ka waxa kale oo ay kaydin karaan macluumaadka xidhiidhka, lambarada telefoonada, fariimaha SMS-ka, macluumaadka biilasha.

Waa maxay eSIM ?

eSIM farsamo ahaan waa la mid SIM-kaarka jira hadda. “e” waxa ay u taagan tahay “embedded”, sidoo kale eSIM-ka waa qalab yar oo ku dhex jira taleefanka casriga ah ama smartphones ka . eSIM sidoo kale waxaa si weyn loogu isticmaalaa saacadaha smart iga ah ama smartwatches-ka, iyo laptop-yada qaarkood. 

Tiknoolajiyada eSIM waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay ku isticmalaan mobilkoda in ka badan hal lambar, kaas oo markaa ku xidhi kara shirkado badan. Tiknoolajiyada waxaa loo isticmaalaa inta badan taleefannada casriga ah iyo saacadaha smartwatches, waxayna fursad u haysataa inay noqoto jaangooyooyinka cusub, oo ay bedesho baahida booska SIM-ka kaas oo qaada boos dheeri ah gudaha aaladaha yaryar, 

Waa maxay iSIM ?

iSIM asal ahaan waa tignoolajiyad cusub, waxayna bixisaa faa’iidooyin la mid ah eSIM. Faa’iidada ugu weyn uguna cad ee iSIM waa in ay qaadato xitaa meel ka yar eSIM maadaama aysan u baahnayn xitaa boos yar gudaha taleefannada casriga ah iyo aaladaha kale, maadaama ay ku dhexjirto chipset-ka mobilada. hadaba “i” waxay u taagan tahay “integrated” waana qayb ka mid ah processor-ka casriga ah.

Aragti ahaan, processor-ka cusub ee Qualcomm wuxuu u taageeri karaa si caadi ah, wuxuuna u oggolaanayaa isticmaaleyaasha inay si fudud talefanadooda ugu install garaystaan SIM-kaadhka, iyagoo helaya faa’iidooyin la mid ah tikniyoolajiyadda eSIM, 

CALCULATOR

CALCULATOR LOCK

Use the best calculator photo vault to hide photos, hide pictures, hide videos.

Calculator Photo Vault is the Vault app can secretly Hide Photos, Hide Videos and other files without anyone knowing as gallery lock installed in your phone looks as just a beautiful calculator, and works very well. Your files will be secretly stored in vault and can only be viewed after a Numeric PIN is entered on calculator panel of this app.

Top Features:

Vault: Through the AES encryption algorithm, encrypt the content that you do not want to share with others, and the file format, size without any restrictions, but also support taking pictures and recording videos.

Browser: An inbuilt private browser for your safe browsing of private websites and downloading of photos from web and lock instantly inside photo vault and leaves no tracks in your system.

Shake Close: Shake the phone can quickly close the app, so that everything in your control.

Intruder Selfie: Automatically takes Intruder selfie when someone tries to break in your privacy by entering wrong password.

Fake Vault: Create Fake vault with different password for storing fake photos and videos.

Fingerprint Unlock: To provide you with a faster, more secure way to unlock.

Colorful Theme: A variety of fashionable colors, any match, to create your exclusive theme.

Calculator: Offers all the regular and scientific calculator functions in a simple, stylish and easy to use.

se-1

Apple Watch SE ( 2nd Generation ): Ka ogow wax walba oo Ada ugh bahnayd.

Apple ayaa ugu dambayntii daaha ka qaaday saacadda aadka loo sugayey ee Apple Watch SE (Jiilka 2aad) ee bandhigi 7dii bishan . Halkan waxaa ah wax walba oo aad u baahan tahay inaad ogaato.

Apple ayaa ku soo bandhigtay Apple Watch SE (2nd Generation) cusub xaflada 7dii Sebtember . Smartwatch-ka cusub oo ah midda u gu raqiisan sacadihii lasoo bandhigay wuxay u eg tahay tii ka horreeyay, wuxayna leedahay cabbirka heerkulka, la socodka jirdhiska oo la hagaajiyay, waxayna ku shaqeeysa chip-kii ugu dambeeyay uguna awoodda badan Apple S8.

Munaasabadda Apple, shirkaddu waxay sidoo kale soo bandhigtay nooca cusub ee iPhone 14, iPhone 14 Plus, iPhone 14 Pro, iyo iPhone 14 Pro Max. Shirkaddu waxay sidoo kale soo bandhigtay Apple Watch Series 8 oo la cusboonaysiiyay, Apple Watch Ultra, iyo AirPods Pro 2 ee Craig la’aanta ah.

Qiimaha

Saacadda cusub ee Apple Watch SE waxa ay diyaar ahaan doontaa dalabaadka horudhaca ah laga bilaabo Sebtember 7, waxana ay diyaar noqon doontaa Jimcaha, Sebtember 16. Nashqada cusub ee Apple Watch SE 40mm GPS waxa lagu heli doonaa $249, halka Apple Watch SE 40mm + Cellular ku noqon doonto $299. Qaabka GPS-ka ee 44mm wuxay ka kici doontaa $279, halka Apple Watch SE 44mm + Cellular ku noqon doonto $329.

ModelSize & VariantPrice
Apple Watch SE40mm GPS
40mm GPS + Cellular
44mm GPS
44mm GPS + Cellular
$249, £259, €299
$299, £319, €369
$279, £299, €339
$329, £349, €409

Midabka

Apple Watch SE ga (jiilka 2aad) ee cusub ayaa lagu heli doonaa saddex midab, Starlight, Madow iyo Silver. Apple waxay iibin doontaa xarkaha isku midka ah ee laga sameeyay naylon, iyo kooxo kale oo kala duwan oo ka socda shuraakada sida Nike. Waxa kale oo jiri doona xul badan oo agab iyo nashqado ah oo laga kala dooranayo, kooxaha hadda jira waxa ay sidoo kale la socon doonaan Apple Watch SE 2.

Technical Specifications

SpecificationApple Watch SE (2nd Generation)
DisplayLTPO OLED
Up to 1,000 nits brightness
– 40mm: 1.57-inch
– 44mm: 1.78-inch
ProcessorApple S8
Memory & StorageMemory: TBD GB
Storage: TBD GB
Dimension and WeightAluminium40mm: TBD g
44mm: TBD g
BatteryUp to 18 hours
SensorCompass, Altimeter, optical heart sensor, Accelerometer, Gyroscope, Ambient light sensor, always-on altimeter, Barometer, Sp02, VO2Max, Temperature sensor,
ButtonsDigital Crown
Power button
ConnectivityWi-Fi 802.11b/g/n
Bluetooth 5.2
GPS/GNSS, GLONASS, Galileo, QZSS, Beidou
Optional LTE
DurabilityWR50: Water-resistant up to 50 meters
PriceStarts at $249
apple

Display

Apple Watch SE (Jiilka 2aad) waxay ku timaadaa laba shashad, 40mm, iyo 44mm. Dabcan, labada shashad ee kala duwan waxay lee yihiin laba cabir oo kala duwan. Midka yar wuxuu la yimaadaa 1.57 inch LTPO OLED panel, halka midda isboortiga leedahay shashad 1.78-inji ah. Ugu yaran waxay ka yartahay 20% Marka la barbar dhigo Taxanaha 8 ee smartwatch cusub.

Pannel ku waxay leedahay ilaa 1,000 nits oo iftiin ah ah, oo bixinaysa muuqaal iftiin qorraxeed oo aad u fiican, sidoo kale waxay leedahay muraayad ilaalin ah oo raagaya si looga hortago xoqista, in kasta oo, Apple aysan ku qalabayn murayada ka hortaga jabida “Crack resistant”. 

Battery

Iyadoo Apple aysan la wadaagin cabbirrada batteriga, waxaan fileynaa in Apple Watch SE (2nd Generation) ay lahaandonto awood la mid ah tii ka horreeysay. Jiilkii ugu horeeyay ee Apple Watch SE waxa ay awooday in ay ku dhawaad maalin dhan ku jiro halki mar ee la dabeeyo, Jiilka 2aad waxa ay sidoo kale awood u yeelan doontaa in ay dabka hayso ilaa 18 saacadood halki mar ee la dabeeyo.

iPhone-14-vs-iPhone-13-1

Iphone 14 pro series vs Iphone 13 pro series : Maxat Ku Kala Duwanyihin .

IPhone 14 Pro wuxuu leeyahy qadar badan oo isbedel ah. Akhri bogaan si aad u ogaato waxa isbedelay ilaa 2021,

Sebtember 7 2022, Apple waxay soo bandhigtay iPhone 14 Pro iyo iPhone 14 Pro Max oo leh astaamo badan sida Dynamic Island, Isku xidhka Satellite, iyo kamarad cusub oo 48MP ah. Qalabku waxa uu leeyahay dhowr casriyeyn oo xusid mudan, taasoo la macno ah in ay jiraan wax badan oo isbedel ah. Si loogu daro xoogaa aragti ah, maqaalkan, waxaan ku so bandhigaynaa taxanaha iPhone 14 Pro iyo taxanaha iPhone 13 Pro si aan u aragno waxa cusub oo ka duwan.