Passportsizephoto

Si bilash ah ku sasamayso sawir Sawir Passport size ah

wax badan ayaa tiknoolojiyadu aad u soo fududaanaysaa marba marka kadanbaysa , waxaa jirta marka aan aan rabno sawiradda Passport size ka inaan tagno goobaha sawirada lagu qaado waana, waa nooca sawir ee wali muhiim ka u ah goobaha sawiradda .

hadaba waxaa jira Apps kaa cawinaya inaad hesho sawir tayo ahan wanagsan cabirka ugu wanagsan ee sawirada haafka ahna kaaga dhigaya. Sidoo kale waxaad u bahanthay inaa swrika aad ku soo gasho meel iftiin isu dheli tiran leh , oo dhanna uusan iftin la aan ahyn.

hadaba App kan hoose waxaa loo yaqaan Bg Eraser waana nooca app ee kacawinaya nooc walba ee sawirada haafka ah , hadaba appkan muxuu ku wanagsan yahay.

  1. Appkan waxa uu sawirka marka hore ka saarayaa backgrounka ama wax yalaha kaa danbeya isaga oo aan sawirkaaga wax aan ka jarin.
  2. Waxa uu sawirkaaga kaaga dhigayaa cabirka aad u bahantahay isaga oo kusiinaya cabir walba oo laga dhigo sawiradda passport size ka.
  3. Waxa uu ka saarayaa hadii uu sawirkaaga shucaac lahaaa ama se usan ahyn focus oo uusan si wanagsan umuuqan.
Hack-Proof-Your-Smartphone

Waqti intee le eg ayaa kaaga baxa talefankaaga ?

Inta badan waqtigeena waxa uu inakaga lumaa isticmaalka Mobile , waxaana dhici karta howlo aynu qabsan lahayn inaan kaga mashquulno. Mar marka qaarna xilliga huradada ayaa dhici karta inay inaku dhafto isticmaalka Mobilka .

Hadaba waxa aad si fudud isaga joojin kartaa isticmaalka mobilka gabi ahaan , dabacan mar walba oo aad furto mobilka waxa aad gelaysaa social media ha oo ay adagtahy in laga baxo hadii lafuro.

App kan waxa uu ka cawinayaa inaa ka maqnaato talefnkaaga xilliga aad howlaha ledahay ama aad sexanayso oo aadan u bahnayn talefankaaga xataa inaa call ka samasyo.

Appka waxaa loo yaqaan Lock My Phone waxa u kuu ogolaanayaa inaa waqti kuxirto taleefankaaga , kaas oo ah waqtiga aad rabto inaa kamaqnaato talefankaaga .

english

English: 30 maamood ku baro english ka

Hadii aad tahay arday ama aad jecashay in aad barato luuqadda Englishka halkan waxa aan kuugu soo gudbinaynaa qaababka aad u baran karto iyo goobaha aad kabaran karto.

waxaa jirta ka soomaali ahaan in marka aan baranayno English ka an qadano casharo wada hadal ah (Conversation) kaas oo kenay inaan xifdis ahaan u barano luqada Englishka oo hadii inta aan xifdinay wax dhafsisan la inakula hadlo inaynaan fahmin.

Hadaba qaababkan waa kuwa kuu sahlaya inaa muddo kooban aad ku barato luqadda Englishka ama luqadaha kale .

1. Dhagaysi

In aad dhagaysato dadka ku hadla Englishka sida tv yada ,Vlogers iyo doodaha Englishka ka ah ama Luqadda aad rabto hadii luqad kale aad baranayso. app kan hose waxaa loo yaqaan BBC learning English waxa uuna kaa cawinayaa inaa daawato/dhagaysato wararka BBC iyo barnaamijyo kale oo kuu fududaynaya inaa barato Englishka.

sidoo kale waxa appkan ku sinayaa ereyada ugu muhiimsan ee ku jira barnaamijyada ad daawato/dhagaysato fasiraadoda.

2. Akhris

Hadii aad akhriso qoraalada Englishka malin walba waaxa kuu fududaanaysa fahanka qormooyinka aad akhrinayso sidoo kale waxaa kuu fududaanaysa inaa si dhaqsiyo ah aad u akhriso qormooyinka. waxaana kahelaysaaa ereyo badan oo ay markaas kuugu horayso waxaana muhiim ah inaa kaydiso ereyada aadna xifdido.

Buugaagtu aad ayey muhiim u yihiin si aad u hesho qormooyin cilmi ahaan iyo luqadda aad baranayso ahaan ba ku anfacaya . hadaba apkan hose ( Speak English Fluently ) iyo midka sare waxa ay kaa cawinyaan in aad wax akhriso sidoo kalena dhagaysato qormooyinka aad akhrinayso.

3. Ku hadlid

Si aad awood ugu yelato in aad kulahadsho luqada Englishka waa in aad hesho dad aad kula hadasho oo kaa saxa dhawaqa sidoo kalena erayo cusub kubara. hadaba appkan hoose (HiNatives) waxa aad ka helaysaa dad udhashay english ka ama luqadda akle ee aad rabto inaad barto.

sidoo kale waxa aad ka helaysaa dad baranaya luqadda Englishka waxadna helaysaa macalimiin kaa saxa qalaadka .

thmb

WAR FARXAD LEH: Waxa ka tiri karta baraha bushada sawirada iyo muqalada laga xaday

Social media waxa aad ugu soo batay sawida/muuqada laga xadado dadka markasna la so dhigo barah bulshada iyada oon mulkiilaha raali ka ahayn , marmarka qaarna waxa lagu qasbaa in ay wax yalo sameyan ama lacago soo diraan hadi kale social midiaha laso dhigayo

Marka aad dirto sawirkaas, dib uma soo celin kartid,” waxay ku socotaa digniinta dhalinyarada, inta badan waxay iska indhatiraan xaqiiqda ah in dhalinyaro badani ay soo diraan sawiro cad oo naftooda ah oo lagu qasbo, ama aan fahmin cawaaqibka.

Qalab cusub oo khadka ah ayaa ujeedadiisu tahay in ay dib u soo celiso qaar ka mid ah koontaroolka dhallinta, ama dadka markii hore da’yarta ahaa, oo ay ka tirtiraan  Sawiro iyo muuqaalo toos ah internetka ku jira .

Waxaa loogu yeeraa sitekaas: Take It Down, aaladda waxaa maamula (USA) Xarunta Qaranka ee Carruurta La La’yahay iyo La Faa’iidaysto, waxaana maalgeliyay qayb ahaan Meta Platforms, milkiilaha Facebook iyo Instagram.

Boggu wuxuu u ogolaanayaa qof kasta si qarsoodi ah – iyo iyada oo aan la soo gelin wax sawiro dhab ah – inuu abuuro waxa asal ahaan ah fingerprint sawirka oo digital ah . fingerprintgaan wuxu leeyaha (lambaro gaar ah oo loo yaqaan “hash”) ayaa markaa galaya kaydka xogta iyo shirkadaha tignoolajiyada ee ku heshiiyey inay ka qaybqaataan mashruuca waxay ka saaraan sawirada adeegyadooda.

Hadda, digniinaha. Goobaha ka qaybqaadashadu waa, laga bilaabo Isniinta, Meta’s Facebook iyo Instagram, Yubo, OnlyFans iyo Pornhub, oo ay iska leedahay Mindgeek. Haddii sawirku ku yaallo goob kale, ama haddii lagu soo diro goob qarsoodi ah sida WhatsApp, lama dejin doono.

Intaa waxaa dheer, haddii qof uu beddelo sawirka asalka ah – tusaale ahaan, gooyn, ku dara emoji ama meme – waxay noqotaa sawir cusub oo sidaas awgeed waxay u baahan tahay hashtaag cusub. Sawirada muuqaal ahaan la mid ah – sida sawir isku mid ah oo leh ama aan lahayn filterada Instagramka, waxay yeelan doonaan hashtagyo isku mid ah, oo ku kala duwan hal dabeecad.

Twitter iyo TikTok ilaa hadda kama ay go’an qaadan mashruuca. Labada shirkadoodba isla markiiba kama jawaabin farriinta faallooyinka Axaddii.

“Take it down” waxaa si gaar ah loogu sameeyay dadka haysta muuqaal ay sabab u tahay inay rumaysan yihiin ​​inuu mar horeba la dhigay Shabakaddo kale, ama ay noqon karto,” ayuu yiri Gavin Portnoy, oo ah afhayeenka NCMEC. “Waxaad tahay wiil dhalinyaro ah oo qof ayaad shukaansaneysaa oo waxaad wadaagteen sawir. Mise qof baa kaa Xaaday sawir ama muuqaal oo waxay ku yidhaahdeen, ‘haddii aad i siin weydo muqaal ama sawir kale, waxaan samaynayaa saas iyo saas

SPYAPPS

Jaajuus: 3 App oo talefankaa lagu jaajuusi karo

Talefankaaga waa lajaajuusi karaa , waxaana lagu soo dejin karaa Apps , kuwaas oo xogtaada ugudbinaya qofka talefankaaga jaajuusaya , nasiib daraduna waxa weeye inaadan ogaan karin lin lagu soo dejiyey talefankaaga

Apps kaan waxa ay kala yihiin

1. MOBILESPY

Appkan waxaa lagu duubi karaa cododka wici taanka aad samasyo waxa la dari karaa camerada talefanaaga sidoo kalena waxaa lala socon karaa dhamaan social media haaga ,Sida whatsappka Facebook ga iyo instagram ka .

2. UMOBIX

Appkan waxaa awood loo yelanayaa in labedelo sitting ka appskaaga, in farimo lagadiro account iyadaaad social mediaha, sidoo kale waxaa unflollow ladhihi karaa dadka kuugu jira ama Follow ladhihi karaa kuwo cusub

3. EVASPY

Appkan waxaa lagula scon karaa sawirda talefankaaga kuugu jira sido kale waxa uu duubi karaa wicitaanka aad samasyo ama calls ka aad samayso , sidoo kale fariimaha whatsApp ka aad dirto iyo waliba codadka whatsappka aad dirto ama laguu soo diro.

Hadaba sidee uga hortagi kartaa ?

waa inaa ka hubiso talefankaaga sitting kisa in apps degsan ay jiraam madama aanad kahelayn apps kan appska dhexdooda

waxa aad tegaysaa setting ka talefankaaga kadibna waxa aad doranaysaa system settings waxad kadonaysaa accessibility magacyada appska halkaas kaga so baxa waxa adan garayn off ayaad kadhigaysaa .

sidoo aklewaxaa u bahantay inaa ogato permission manager

tutoreva

Apps waxbadan kuu fududaynaya hadii aad arday tahay

Waxaa jira Apps iyo websiteyo aad wax kabaran karto , inta badan appska ama website yada waa kuwo ay ku kaydsan yihiin casharo ama laylisyo ayna macquul tahay inaa ka waydo layliska aad rabto .

lakin waxa aan kuu hayaa laba App oo wax badan kaa anfacaya sida layliska iyo qoraalada warqadaha kuu gu qoran inaa soft u bedesho

1. VIIO

VIIO waa App awood kuu sinaya inaa siwir kaqaado qoraalka hard copy ga ah ee ku qoran warqadaha waxa uuna kaaga dhigayaa soft copy.

Sidoo kalena waad dhagaysan kartaa qoraalka ku qoran warqada , lkin dhagaysiga kuma saxnaanayo soomaaliga keliya englishka weeye

2. TutorEva

App kan waxa aad awood u yelanaysaa hadaa laso degto inaa xaliso dhamaan xisaabaadka adigoo sawir ka qaadaya xisaabta aad rabto inaad xaliso.

Hadii aad ka qadayso sawir xisaabaad ku qoran buugaaga ama aad gacan ku qortay waa inay qaab wadix ah u qorantahay xisaabad kugu si App ku u fahmo

Halkan ka daaawo muqaal ku sabsan

whatsapp 2

WhatsApp: Update ka Cusub ee whatsappka | Iphone

Update ka Cusub ee WhatsApp ka ( iPhone ) ayaa lagu daray picture-in-picture (PiP) video calls markii ugu horreysay, iyo waxyaabo kale.

Update kan cusub, ee laga heli karo App store-ka, waxay ku daraysaa featurkan WhatsApp ee aadka loo codsanayey.

Waxa feature kan awood kuu sinayaa inaa apps kale isticmasho iyadoon video call ka aad ku jirtay usan istagin , updates kii hore waxaa hadii aad kabaxdo whatsApp ka chating ka oo aad gasho app kale waa uu istagayey video call ka oo qofka kale eed lahdlayso waxa u maqlayey codaka oo keliya .

Whatsapp

lakin hadda picture-in-picture (PiP) kan waxa uu mesha ka saray dhibtaas waxa aadna isticmali kartsaa appska kale iyada oo video callka usan istaagin.

Wax yalaha lagu so kordhiyey update ka cusub

  • Picture in Picture (PiP) oo IOS ka ah – waxa aad isticmali kartaa Apps ka kale isaga oo video call ka uusan istagayn.
  • Waxa aad hada ku dari karta captions marka aad dirayso document
  • Cinwaan ka iyo description ka group yada ayaa la dhereyey si sifiican loogu qeexo xogta groupka
  • Waxa aad hadda samayn kartaa personalized avatar si aad ugu isticmasho sticker ahaan iyo sawirka profile kaaga.
Whatsapp

Waxa update kan la so dayn donaa Usbuucyada soo socda , waxaana dhici karta in qof walba usan helin feature kan update ka kadib. hadaba hadii adan halen feature kan update ka kadib waa inaa sugto ilaa inta shirkada u ogolaanayso account kaaga featuradan

status 2

WhatsApp: waxa aad cod gelin kartaa Status ka

WhatsApp shaki la’aan waa mid ka mid ah barnaamijyada fariimaha bulshada ee loogu isticmaalka badan yahay adduunka oo dhan. Waqtigii hore, WhatsApp waxuu ahaa kaliya diritaanka fariimaha iyo sawirrada. Laakiin, ka dib markii ay la soo wareegtay Facebook, waxay bilaabeen inay soo saaraan cusbooneysiin iyo features cusub. Mid ka mid ah waa WhatsApp status, kaas oo aad gelinkarto sawir ama muuqaal, waxayna asxaabtaada iyo qoyskaaga arki donaan 24 saacadood.

WhatsappStatus

WhatsApp waxay ku sii wadaa inay ku darto astaamo dheeri ah abka. Waxay dhawaan soo saareen qaab lacag bixin ah oo WhatsApp ah, kaas oo kuu ogolaanaya inaad lacag ku dirto ama ku hesho WhatsApp. Laakiin waxaa jira feature cubub oo ku jirta update kii ugu dambeyey. WhatsApp hadda waxay u ogolaanaysaa isticmaalayaasha inay gelin karaan cod Whatsapp Status ka. In kasta oo feature kan ay hadda tahay beta oo aan laga wada heli karin whatsapp ka , waxana la soo dayn doonaa marka la xaqiijiyo.

WhatsappStatus

Sidee u soo gelin kartaa Codka WhatsApp Status ka?

Su’aalahan ayaa laga yaabaa inay maskaxdaada ku soo dhacdo. Laakiin ha ka welwelin eeg sawirka hoose si aad u ogaato dhammaan wixii ku saabsan Xaaladda Codka WhatsApp iyo sida loo geliyo feature kan Codka WhatsApp status ka.

WhatsappStatus
chatGPT

ChatGPT: Wax badan ka ogow ChatGPT – Baarazon

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa si aad ah dunida oo dhan looga hadal hayay barnaamijka ChatGPT oo si xowli ah horumar u sameeyay. Haddaba maxaan ka garaneynaa sidee ayuuse u shaqeeyaa?

Barnmaamijkan oo ah mid ku shaqaynaya Garaadka Macmalka ama Caqli gacan-ku-samays ah (Artificial Intelligence) ayaa ah mid ay soo saartay Shirkadda OpenAI horaantii sanadkii 2020.

ChatGPT ayaa bishii November 30keedii 2022, loo furey adeegsiga guud qaab tijaabo ah. Waxaa dhakofaar ahayd in uu muddo 5 maalin ah uu ku gaaray 1 malyan oo adeegsade. Adeegsadayaasha 1 Malyanka ah waxay shirkadaha ugu waawayn sida Facebook ku qaadatay 10 bilood.

ChatCPT

Waa maxay ChatGPT?

ChatGPT waa barnaamij mashiin Caqli gacan-ku-samays ah ku shaqaynaya, kaas oo adeegsaduhu ula falgeli karo sidii qof caadi ah oo waayo arag ah oo kale.

Tusaale: Waxaad weydiin kartaa Macluumaad ku saabsan soomaaliya, ka dib na wuxuu ku siinayaa macluumaad kooban oo soomaaliya soo koobaya.

Dhanka kale Ardeyda Jaamacadaha ayaa la kaashan kara laylisyadooda,

Baaritaamada cilmiyeed ah ee ay samaynayaan, iyo sidoo kale weydiimo khuseeya noloshooda khaaska ah. Yacni si kale haddii aan u dhigno ChatGPT waa sida waayo arag mawduuc walba xog waafi ah ka haysta, had iyo goorna diyaar kuula ah talo, fikir iyo jawaab celin intaba.

ChatCPT

Shirkadda ka danbeysa ChatGPT?

OpenAI waa shirkad Mareykanka ka dhisan taas oo ka shaqaysa baaritaanno qoto dheer oo dhanka horumarinta mashiinnada Caqli ku-samayska ah ku shaqeeya.

Shirkaddan oo horey u xustay in ay welwel iyo cabsi weyn ka qabto sida ay Robotyadu (Aaladaha Insaanka loo ekaysiiyay) saameyn taban ugu yeelan karaan aayaha Banii’aadamka; ayaa xustay in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago cawaaqib xumada ay horseedi karaan mashiinnada caynkaas ah.

Sidaas darteed OpenAI waxay xustay in ujeedkeedu yahay in ay ka shaqeyso sidii loo heli lahaa soo saarista barnaamijyo isbedel wanaagsan ku soo kordhiya nolosha Banii’aadamka.

ChatGPT wuxuu ka baasay Imtixaanno aad u adag oo carriga Mareynka laga galo sida kan lagu qaato shatiga sharci yaqaannada, Qareennadda, Qaaddiyaasha Maxkamadaha, Takhasuska dhakhtarnimada iyo kuwo kale.

ChatGPT iyo Saamayntiisa dhanka shaqooyinka Dunida

Barnaamijkan ayaa dhanka kale welwel balaaran soo kordhiyay ka dib markii jabaq dheer ka timid shaqaalaha ku shaqaysta xirfadaha fudfudud sida qoraal curinta, xogo diyaarinta iyo si guud shaqo walba oo la halmaasha qoraalka.

Dhanka kale wuxuu sidoo kale cabsi balaaran ku hayaa khuburada hormarisa barnaamijyada Softwares-ka iyo si guud horumarinta baraha Website-yada.

Shaqaalahan ayaa qaba cabsi ah in ChatGPT uu beddelkooda geli karo oo iyaguna sidaas shaqo la’aan ugu dhici karto.

Doorka ChatGPT kaga aaddan loollanka Google iyo Microsoft

Waxaa la og yahay in shirkadda Google ay haysato 92% adeegsiga matoorka xog-baadhista (Search engine), halka Daalacdaha Bing (Browser) ee shirkadda Microsoft na uu isagu saamiga adeegsiga suuqa haysto wax ka yar 3%.

Balse waxaa soo baxday in shirkadda Microsoft ay horey u maalgalisay shirkadda OpenAI, halka dhanka kalena ay shaacisay in ay ku maalgalinayso barnaamijka ChatGPT adduun lacageed oo dhan $10 bilyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa la filayaa in ay Microsoft u fududeyso in ay isku tallaasho awoodda ChatGPT iyo daalacdaheeda Bing.

Isku tallaalidda Bing iyo ChatGPT ayaa sababi karta in shacbiyad badan usoo jabaan adeegsiga Bing, sidaasna Google awooddeeda suuqa isku dhinto.

Maadaama la filayo in naqshadda ChatGPT ee Bing lagu xiri doono ay noqoto mid aad u dhakhsi badan oo ka waafisan hadda midda loogu talogalay adeegsiga guud ee tijaabada ah.

Tilaabadan ay Microsoft damacsan tahay ayaa dhanka kale gilgishay carshiga Google oo awal keligeed haysatay saamiga libaax ee suuqan.

letv-leeco-s1-pro-iphone

Iphone 14 Pro oo $ 134 la sinayo

LeEco waxay hadda ku dhawaaqday taleefan cusub oo loogu talagalay Bandhiga Guga (Sannadka Cusub ee Shiinaha, kaas oo ah Janaayo 22 ee sanadkan).

LeEco S1 Pro waa mobile aad logu ekaysiyey phone 14 pro , sido kale waxa uu leyahy Dynamic Island lamid ah midka iphone ka

LeEco S1 Pro waxa uu leyahy shaashad ah 6.5-inch 720x1600px LCD of a standard 60Hz refresh rate , sidoo kale RAM ka iyo Storage ka ayaa hal ah oo waxa uu kusobaxayaa 8GB Ram iyo 128GB oo Storage ah.

Batteryga LeEco S1 Pro waa 5,000mAh oo leh 10W charging . Waxaa jira kamarad 5MP ah oo hore ah iyo 13MP kamarad weyn oo xagga dambe ah. Nasiib xumo ma wadashaqeeyaan sadexda camero ee danbe , keliya hal kamero ayaa ka shaqaysa.

Mobilkan ayaa qima ahaan aad u hooseeya waxa uuna ku so baxaya 8/128 ku $ 134 oo aad uga raqiisan talefanka iphone ka ah