english

English: 30 maamood ku baro english ka

Hadii aad tahay arday ama aad jecashay in aad barato luuqadda Englishka halkan waxa aan kuugu soo gudbinaynaa qaababka aad u baran karto iyo goobaha aad kabaran karto.

waxaa jirta ka soomaali ahaan in marka aan baranayno English ka an qadano casharo wada hadal ah (Conversation) kaas oo kenay inaan xifdis ahaan u barano luqada Englishka oo hadii inta aan xifdinay wax dhafsisan la inakula hadlo inaynaan fahmin.

Hadaba qaababkan waa kuwa kuu sahlaya inaa muddo kooban aad ku barato luqadda Englishka ama luqadaha kale .

1. Dhagaysi

In aad dhagaysato dadka ku hadla Englishka sida tv yada ,Vlogers iyo doodaha Englishka ka ah ama Luqadda aad rabto hadii luqad kale aad baranayso. app kan hose waxaa loo yaqaan BBC learning English waxa uuna kaa cawinayaa inaa daawato/dhagaysato wararka BBC iyo barnaamijyo kale oo kuu fududaynaya inaa barato Englishka.

sidoo kale waxa appkan ku sinayaa ereyada ugu muhiimsan ee ku jira barnaamijyada ad daawato/dhagaysato fasiraadoda.

2. Akhris

Hadii aad akhriso qoraalada Englishka malin walba waaxa kuu fududaanaysa fahanka qormooyinka aad akhrinayso sidoo kale waxaa kuu fududaanaysa inaa si dhaqsiyo ah aad u akhriso qormooyinka. waxaana kahelaysaaa ereyo badan oo ay markaas kuugu horayso waxaana muhiim ah inaa kaydiso ereyada aadna xifdido.

Buugaagtu aad ayey muhiim u yihiin si aad u hesho qormooyin cilmi ahaan iyo luqadda aad baranayso ahaan ba ku anfacaya . hadaba apkan hose ( Speak English Fluently ) iyo midka sare waxa ay kaa cawinyaan in aad wax akhriso sidoo kalena dhagaysato qormooyinka aad akhrinayso.

3. Ku hadlid

Si aad awood ugu yelato in aad kulahadsho luqada Englishka waa in aad hesho dad aad kula hadasho oo kaa saxa dhawaqa sidoo kalena erayo cusub kubara. hadaba appkan hoose (HiNatives) waxa aad ka helaysaa dad udhashay english ka ama luqadda akle ee aad rabto inaad barto.

sidoo kale waxa aad ka helaysaa dad baranaya luqadda Englishka waxadna helaysaa macalimiin kaa saxa qalaadka .

thmb

WAR FARXAD LEH: Waxa ka tiri karta baraha bushada sawirada iyo muqalada laga xaday

Social media waxa aad ugu soo batay sawida/muuqada laga xadado dadka markasna la so dhigo barah bulshada iyada oon mulkiilaha raali ka ahayn , marmarka qaarna waxa lagu qasbaa in ay wax yalo sameyan ama lacago soo diraan hadi kale social midiaha laso dhigayo

Marka aad dirto sawirkaas, dib uma soo celin kartid,” waxay ku socotaa digniinta dhalinyarada, inta badan waxay iska indhatiraan xaqiiqda ah in dhalinyaro badani ay soo diraan sawiro cad oo naftooda ah oo lagu qasbo, ama aan fahmin cawaaqibka.

Qalab cusub oo khadka ah ayaa ujeedadiisu tahay in ay dib u soo celiso qaar ka mid ah koontaroolka dhallinta, ama dadka markii hore da’yarta ahaa, oo ay ka tirtiraan  Sawiro iyo muuqaalo toos ah internetka ku jira .

Waxaa loogu yeeraa sitekaas: Take It Down, aaladda waxaa maamula (USA) Xarunta Qaranka ee Carruurta La La’yahay iyo La Faa’iidaysto, waxaana maalgeliyay qayb ahaan Meta Platforms, milkiilaha Facebook iyo Instagram.

Boggu wuxuu u ogolaanayaa qof kasta si qarsoodi ah – iyo iyada oo aan la soo gelin wax sawiro dhab ah – inuu abuuro waxa asal ahaan ah fingerprint sawirka oo digital ah . fingerprintgaan wuxu leeyaha (lambaro gaar ah oo loo yaqaan “hash”) ayaa markaa galaya kaydka xogta iyo shirkadaha tignoolajiyada ee ku heshiiyey inay ka qaybqaataan mashruuca waxay ka saaraan sawirada adeegyadooda.

Hadda, digniinaha. Goobaha ka qaybqaadashadu waa, laga bilaabo Isniinta, Meta’s Facebook iyo Instagram, Yubo, OnlyFans iyo Pornhub, oo ay iska leedahay Mindgeek. Haddii sawirku ku yaallo goob kale, ama haddii lagu soo diro goob qarsoodi ah sida WhatsApp, lama dejin doono.

Intaa waxaa dheer, haddii qof uu beddelo sawirka asalka ah – tusaale ahaan, gooyn, ku dara emoji ama meme – waxay noqotaa sawir cusub oo sidaas awgeed waxay u baahan tahay hashtaag cusub. Sawirada muuqaal ahaan la mid ah – sida sawir isku mid ah oo leh ama aan lahayn filterada Instagramka, waxay yeelan doonaan hashtagyo isku mid ah, oo ku kala duwan hal dabeecad.

Twitter iyo TikTok ilaa hadda kama ay go’an qaadan mashruuca. Labada shirkadoodba isla markiiba kama jawaabin farriinta faallooyinka Axaddii.

“Take it down” waxaa si gaar ah loogu sameeyay dadka haysta muuqaal ay sabab u tahay inay rumaysan yihiin ​​inuu mar horeba la dhigay Shabakaddo kale, ama ay noqon karto,” ayuu yiri Gavin Portnoy, oo ah afhayeenka NCMEC. “Waxaad tahay wiil dhalinyaro ah oo qof ayaad shukaansaneysaa oo waxaad wadaagteen sawir. Mise qof baa kaa Xaaday sawir ama muuqaal oo waxay ku yidhaahdeen, ‘haddii aad i siin weydo muqaal ama sawir kale, waxaan samaynayaa saas iyo saas

SPYAPPS

Jaajuus: 3 App oo talefankaa lagu jaajuusi karo

Talefankaaga waa lajaajuusi karaa , waxaana lagu soo dejin karaa Apps , kuwaas oo xogtaada ugudbinaya qofka talefankaaga jaajuusaya , nasiib daraduna waxa weeye inaadan ogaan karin lin lagu soo dejiyey talefankaaga

Apps kaan waxa ay kala yihiin

1. MOBILESPY

Appkan waxaa lagu duubi karaa cododka wici taanka aad samasyo waxa la dari karaa camerada talefanaaga sidoo kalena waxaa lala socon karaa dhamaan social media haaga ,Sida whatsappka Facebook ga iyo instagram ka .

2. UMOBIX

Appkan waxaa awood loo yelanayaa in labedelo sitting ka appskaaga, in farimo lagadiro account iyadaaad social mediaha, sidoo kale waxaa unflollow ladhihi karaa dadka kuugu jira ama Follow ladhihi karaa kuwo cusub

3. EVASPY

Appkan waxaa lagula scon karaa sawirda talefankaaga kuugu jira sido kale waxa uu duubi karaa wicitaanka aad samasyo ama calls ka aad samayso , sidoo kale fariimaha whatsApp ka aad dirto iyo waliba codadka whatsappka aad dirto ama laguu soo diro.

Hadaba sidee uga hortagi kartaa ?

waa inaa ka hubiso talefankaaga sitting kisa in apps degsan ay jiraam madama aanad kahelayn apps kan appska dhexdooda

waxa aad tegaysaa setting ka talefankaaga kadibna waxa aad doranaysaa system settings waxad kadonaysaa accessibility magacyada appska halkaas kaga so baxa waxa adan garayn off ayaad kadhigaysaa .

sidoo aklewaxaa u bahantay inaa ogato permission manager

tutoreva

Apps waxbadan kuu fududaynaya hadii aad arday tahay

Waxaa jira Apps iyo websiteyo aad wax kabaran karto , inta badan appska ama website yada waa kuwo ay ku kaydsan yihiin casharo ama laylisyo ayna macquul tahay inaa ka waydo layliska aad rabto .

lakin waxa aan kuu hayaa laba App oo wax badan kaa anfacaya sida layliska iyo qoraalada warqadaha kuu gu qoran inaa soft u bedesho

1. VIIO

VIIO waa App awood kuu sinaya inaa siwir kaqaado qoraalka hard copy ga ah ee ku qoran warqadaha waxa uuna kaaga dhigayaa soft copy.

Sidoo kalena waad dhagaysan kartaa qoraalka ku qoran warqada , lkin dhagaysiga kuma saxnaanayo soomaaliga keliya englishka weeye

2. TutorEva

App kan waxa aad awood u yelanaysaa hadaa laso degto inaa xaliso dhamaan xisaabaadka adigoo sawir ka qaadaya xisaabta aad rabto inaad xaliso.

Hadii aad ka qadayso sawir xisaabaad ku qoran buugaaga ama aad gacan ku qortay waa inay qaab wadix ah u qorantahay xisaabad kugu si App ku u fahmo

Halkan ka daaawo muqaal ku sabsan

whatsapp 2

WhatsApp: Update ka Cusub ee whatsappka | Iphone

Update ka Cusub ee WhatsApp ka ( iPhone ) ayaa lagu daray picture-in-picture (PiP) video calls markii ugu horreysay, iyo waxyaabo kale.

Update kan cusub, ee laga heli karo App store-ka, waxay ku daraysaa featurkan WhatsApp ee aadka loo codsanayey.

Waxa feature kan awood kuu sinayaa inaa apps kale isticmasho iyadoon video call ka aad ku jirtay usan istagin , updates kii hore waxaa hadii aad kabaxdo whatsApp ka chating ka oo aad gasho app kale waa uu istagayey video call ka oo qofka kale eed lahdlayso waxa u maqlayey codaka oo keliya .

Whatsapp

lakin hadda picture-in-picture (PiP) kan waxa uu mesha ka saray dhibtaas waxa aadna isticmali kartsaa appska kale iyada oo video callka usan istaagin.

Wax yalaha lagu so kordhiyey update ka cusub

  • Picture in Picture (PiP) oo IOS ka ah – waxa aad isticmali kartaa Apps ka kale isaga oo video call ka uusan istagayn.
  • Waxa aad hada ku dari karta captions marka aad dirayso document
  • Cinwaan ka iyo description ka group yada ayaa la dhereyey si sifiican loogu qeexo xogta groupka
  • Waxa aad hadda samayn kartaa personalized avatar si aad ugu isticmasho sticker ahaan iyo sawirka profile kaaga.
Whatsapp

Waxa update kan la so dayn donaa Usbuucyada soo socda , waxaana dhici karta in qof walba usan helin feature kan update ka kadib. hadaba hadii adan halen feature kan update ka kadib waa inaa sugto ilaa inta shirkada u ogolaanayso account kaaga featuradan