status 2

WhatsApp: waxa aad cod gelin kartaa Status ka

WhatsApp shaki la’aan waa mid ka mid ah barnaamijyada fariimaha bulshada ee loogu isticmaalka badan yahay adduunka oo dhan. Waqtigii hore, WhatsApp waxuu ahaa kaliya diritaanka fariimaha iyo sawirrada. Laakiin, ka dib markii ay la soo wareegtay Facebook, waxay bilaabeen inay soo saaraan cusbooneysiin iyo features cusub. Mid ka mid ah waa WhatsApp status, kaas oo aad gelinkarto sawir ama muuqaal, waxayna asxaabtaada iyo qoyskaaga arki donaan 24 saacadood.

WhatsappStatus

WhatsApp waxay ku sii wadaa inay ku darto astaamo dheeri ah abka. Waxay dhawaan soo saareen qaab lacag bixin ah oo WhatsApp ah, kaas oo kuu ogolaanaya inaad lacag ku dirto ama ku hesho WhatsApp. Laakiin waxaa jira feature cubub oo ku jirta update kii ugu dambeyey. WhatsApp hadda waxay u ogolaanaysaa isticmaalayaasha inay gelin karaan cod Whatsapp Status ka. In kasta oo feature kan ay hadda tahay beta oo aan laga wada heli karin whatsapp ka , waxana la soo dayn doonaa marka la xaqiijiyo.

WhatsappStatus

Sidee u soo gelin kartaa Codka WhatsApp Status ka?

Su’aalahan ayaa laga yaabaa inay maskaxdaada ku soo dhacdo. Laakiin ha ka welwelin eeg sawirka hoose si aad u ogaato dhammaan wixii ku saabsan Xaaladda Codka WhatsApp iyo sida loo geliyo feature kan Codka WhatsApp status ka.

WhatsappStatus
chatGPT

ChatGPT: Wax badan ka ogow ChatGPT – Baarazon

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa si aad ah dunida oo dhan looga hadal hayay barnaamijka ChatGPT oo si xowli ah horumar u sameeyay. Haddaba maxaan ka garaneynaa sidee ayuuse u shaqeeyaa?

Barnmaamijkan oo ah mid ku shaqaynaya Garaadka Macmalka ama Caqli gacan-ku-samays ah (Artificial Intelligence) ayaa ah mid ay soo saartay Shirkadda OpenAI horaantii sanadkii 2020.

ChatGPT ayaa bishii November 30keedii 2022, loo furey adeegsiga guud qaab tijaabo ah. Waxaa dhakofaar ahayd in uu muddo 5 maalin ah uu ku gaaray 1 malyan oo adeegsade. Adeegsadayaasha 1 Malyanka ah waxay shirkadaha ugu waawayn sida Facebook ku qaadatay 10 bilood.

ChatCPT

Waa maxay ChatGPT?

ChatGPT waa barnaamij mashiin Caqli gacan-ku-samays ah ku shaqaynaya, kaas oo adeegsaduhu ula falgeli karo sidii qof caadi ah oo waayo arag ah oo kale.

Tusaale: Waxaad weydiin kartaa Macluumaad ku saabsan soomaaliya, ka dib na wuxuu ku siinayaa macluumaad kooban oo soomaaliya soo koobaya.

Dhanka kale Ardeyda Jaamacadaha ayaa la kaashan kara laylisyadooda,

Baaritaamada cilmiyeed ah ee ay samaynayaan, iyo sidoo kale weydiimo khuseeya noloshooda khaaska ah. Yacni si kale haddii aan u dhigno ChatGPT waa sida waayo arag mawduuc walba xog waafi ah ka haysta, had iyo goorna diyaar kuula ah talo, fikir iyo jawaab celin intaba.

ChatCPT

Shirkadda ka danbeysa ChatGPT?

OpenAI waa shirkad Mareykanka ka dhisan taas oo ka shaqaysa baaritaanno qoto dheer oo dhanka horumarinta mashiinnada Caqli ku-samayska ah ku shaqeeya.

Shirkaddan oo horey u xustay in ay welwel iyo cabsi weyn ka qabto sida ay Robotyadu (Aaladaha Insaanka loo ekaysiiyay) saameyn taban ugu yeelan karaan aayaha Banii’aadamka; ayaa xustay in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago cawaaqib xumada ay horseedi karaan mashiinnada caynkaas ah.

Sidaas darteed OpenAI waxay xustay in ujeedkeedu yahay in ay ka shaqeyso sidii loo heli lahaa soo saarista barnaamijyo isbedel wanaagsan ku soo kordhiya nolosha Banii’aadamka.

ChatGPT wuxuu ka baasay Imtixaanno aad u adag oo carriga Mareynka laga galo sida kan lagu qaato shatiga sharci yaqaannada, Qareennadda, Qaaddiyaasha Maxkamadaha, Takhasuska dhakhtarnimada iyo kuwo kale.

ChatGPT iyo Saamayntiisa dhanka shaqooyinka Dunida

Barnaamijkan ayaa dhanka kale welwel balaaran soo kordhiyay ka dib markii jabaq dheer ka timid shaqaalaha ku shaqaysta xirfadaha fudfudud sida qoraal curinta, xogo diyaarinta iyo si guud shaqo walba oo la halmaasha qoraalka.

Dhanka kale wuxuu sidoo kale cabsi balaaran ku hayaa khuburada hormarisa barnaamijyada Softwares-ka iyo si guud horumarinta baraha Website-yada.

Shaqaalahan ayaa qaba cabsi ah in ChatGPT uu beddelkooda geli karo oo iyaguna sidaas shaqo la’aan ugu dhici karto.

Doorka ChatGPT kaga aaddan loollanka Google iyo Microsoft

Waxaa la og yahay in shirkadda Google ay haysato 92% adeegsiga matoorka xog-baadhista (Search engine), halka Daalacdaha Bing (Browser) ee shirkadda Microsoft na uu isagu saamiga adeegsiga suuqa haysto wax ka yar 3%.

Balse waxaa soo baxday in shirkadda Microsoft ay horey u maalgalisay shirkadda OpenAI, halka dhanka kalena ay shaacisay in ay ku maalgalinayso barnaamijka ChatGPT adduun lacageed oo dhan $10 bilyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa la filayaa in ay Microsoft u fududeyso in ay isku tallaasho awoodda ChatGPT iyo daalacdaheeda Bing.

Isku tallaalidda Bing iyo ChatGPT ayaa sababi karta in shacbiyad badan usoo jabaan adeegsiga Bing, sidaasna Google awooddeeda suuqa isku dhinto.

Maadaama la filayo in naqshadda ChatGPT ee Bing lagu xiri doono ay noqoto mid aad u dhakhsi badan oo ka waafisan hadda midda loogu talogalay adeegsiga guud ee tijaabada ah.

Tilaabadan ay Microsoft damacsan tahay ayaa dhanka kale gilgishay carshiga Google oo awal keligeed haysatay saamiga libaax ee suuqan.