12

Iphone 14: Adeegga degdega ah SOS ee ku xiran dayax gacmeedka ayaa hadda la heli karaa.

Apple maanta waxay ku dhawaaqday in Xaaladda Degdegga ah ee SOS ee ku xidhan Satelite-ka in hadda laga heli karo iPhone 14 nada. Shirkadda ayaa markii ugu horreysay ku soo bandhigtay feature kan munaasabadda lagusoo bandhigay iPhone 14 nada bishii Sebtembar ee sanadkan, iyadoo sheegtay in la isticmaali karo bisha November oo hadda ah. adeegan ayaa hadda laga heli karaa Maraykanka iyo Kanada laga bilaabo maanta wuxuuna ku fidi doonaa wadamo dheeraad ah bisha Diseembar.

iphone-14-sos

Nooc kasta oo ka mid ah talefanada iPhone 14 ka ah wuxuu lahaan donaa adeegan. Isticmaalayaashu waxay u baahan yihiin inay la soo degaaan software-ka ugu dambeeya (iOS 16.1 wakhtiga qoraalkan) feature kan si toos ah ayuu u shaqeyn doonaa isaga oo aan la furin . Isticmaalka adeegan, oo Apple ay rajaynayso inaadan waligaa isticmaalin hadda ka hor, isticmaalayaashu “waxay si toos ah ugu xidhi karaan dayax-gacmeedka .

Markaad joogtid aag aan Wi-Fi lahayn, adeegga internata iyo wicitaanka lama heli karo, waxaad arki doontaa qaab aad kula xiriiri karto adeegyada degdegga ah adoo siidhexmaraya dayax gacmeedkaaga iPhone 14 kaaga. Halkaa marka ay marayso, isticmaaluhu waa inuu helaa dayax-gacmeedka sare, dabadeed u jediyaan iPhone-kooda dhinaca dayax-gacmeedkaas si uu ugu xidhnaado.

screenshot

NOTISAVE

Main features
· Autosave notifications shown on Noti-bar
· Keep your Noti-bar clean
· Search notifications from all apps at once

Supports Whatsapp, FB Messenger and other messengers.
· Autosave new messages
· Autosave Status

Read messages privately.
Don’t miss anything from now on – read all messages.
Read privately, without leaving “read mark” on messengers.

Simple interface.
Easy to read.
Easy to manage.

mastodon-app

Mastodon: Bartan cusub hawada maka saari doonta twitter ka?

Markii uu maalqabeen Elon Musk la wareegay Twitter, dad badan oo ku xirnaa bartaas ayaa billaabay inay raadsadaan meel kale, waxaana soo caan baxday barta Mastodon. Hadda maxay tahay bartan?

Bartan oo ah mid ay bulshadu ku wada xiriirto oo la sameeyay lix sano ka hor, ayaa sheegtay inay ku xiran yihiin 655,000 oo cinwaan, oo 230,000 kamid ah ay ku soo biireen todobaadkii tegay.

Muuqaalka kore waxa ay uga egtahay Twitter. Qoraalkeeda waxaa loo yaqaan toots, waana mid ay dadka kale ka jawaabi karaan oo ay like saari karaan. Hase yeeshee Mastodon waxay u shaqeysaa si ka duwan Twitter.

Marka ayaa cinwaan cusub ka furato Mastodon, waa in aad doorato server. Waa ay kala duwan yihiin noocyada server-rada, waxaadna ka dooran kartaa dalkaaga, magaalada aad u nooshahay iyo waxa aad jeceshahay.

Midka aad doorato kaama reebayo in aad la saaxiibto oo aad hesho xogta dadka doortay server-rada kale, hase yeeshee kan aad ku xiran tahay ayaad ka helaysaa macluumaadka ugu badan.

Sababta ay server-rada u kala duwan yihiin ayaa lagu sheegay in Mastodon ay tahay shirkado isu tegay oo ay leeyihiin shakhsiyaad kala duwan.

Si ka duwan Twitter, Mastodon qofka uma tilmaanto cinwaannada uu raaci karo.

Waxaa walaac laga muujiyay in qeybo kamid ah Mastodon aanay lahayn shuruuc xakameysa qoraallada iyo muuqaallada xanafta leh, sida kuwa xambaarsan naceybka.

Bartan cusub ayaa isticmeelkeedu yahay lacag la’aan, mana laha wax xayaysiin ah.