TikTok-App-Screen-Mobile-GettyIm

Tiktok oo war ka so sartay Soomaaliya

Badqabka online-ka: Masuuliyad Wadareed ay Sharaf u Tahay TikTok inay Muhiimadda siiso. Ka wada shaqaynta xaqiijinta in bulshada Soomaaliya ay helaan Badqab Loo Dhan Yahay #WadajiraaBadqaba

Ayadoo dhawaan ay qabatay taxaneyaasha aqoon kororsiyada, TikTok ayaa aqoonsan in Badqabku uu muhiimadda koowaad u yahay bulshada ku dhaqan Soomaaliya waxaana aaminsanahay in wada shaqeyntu ay aasaas u tahay ilaalinta Badqabka aapp-ka .

TikTok ayaa soo qabanqaabisey mashaariic badan ee lagu xaqiijinaayo badqabka online-ka , oo ay ka midtahay cusbooneysiin balaaran oo lagu sameynaayo Tilmaamaheeda Bulshada. Kuwaani waa xeerarka iyo heerarka ka qayb noqoshada bulshada isticmaasha TikTok, kuwaasoo qabanaaya qof kasta iyo wax kasta oo aalada ku jira. Ayadoo lagu saleynaayo falcelinta ka timid isticmaaleyaasha iyo wada tashi aan la samaynay in ka badan 100 ururrada khibrada leh ee daafaha caalamka. Cusbooneysiintaan ayaa hormarisay dedaalka aaladu gelinayso hufnaanta ayadoo siinaysa qof kasta xog ku saabsan xeerarka badqabka iyo sida TikTok u dhaqan gelinayso.

“Waxaa sharaf noo ah inaan dhaqan gelinay cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada, anagoo siinayna bulshadeena hufnaan dheeri ah oo ku aadan xeerarkeena iyo sida aan u fulino. Waxaa loo baahanyahay in dadka dhan ka wada shaqeeyaan si loo difaaco amaankooda online-ka , marka waxaan uga mahad celinaynaa qof kasta oo kamid ah isticmaaleyaasha TikTok iyo dhammaan khubarrada ee doorka ka qaatay siina wada inay naga caawiyaan hormarinta xeerarkeena iyo ka hortaga khataraha imaan kara.”, ayuu yiri Kevin Morgan, Madaxa Kalsoonida iyo Badbaado, EMEA.

Si loo xaqiijiyo hufnaan joogto ah, TikTok ayaa faafisay warbixinnada saddexdii biloodba mar lasoo saaro ee Dhaqan Gelinta Tilmaamaha bulshada oo laga heli karo Xarunta Hufnaanta, taasoo faahfaahinaysa talaabooyinka la qaaday si looga hortago waxyaabaha lagu faafiyo TikTok oo xadgudubka ah.

Rubuca 4aad ee 2022 (Warbixinta lasii Daayay Maarso 31, 2023), TikTok ayaa barteeda ka saartay 85.68 milyan oo muuqaal u dhiganta 0.6% dhammaan muuqaallada lasoo geliye aalada. Isla waqtigaas, TikTok ayaa hawada ka saartay in ka badan 280,000 muuqaallo oo jebiyay xeerarka adeegga ee Soomaaliya, halka 98.7% kamid ah muuqaallada xeerarka jebiyay la aqoonsaday lana tiray kahor intaan lasoo sheegin.

Shaqada badqabka keligeen ma xaqiijin karno. Wada shaqeynta aaladaha online-ka ah iyo laamaha sharciga ee dawladaha ayaa muhiim u ah xaqiijinta badqabka isticmaaleyaasha.

Asagoo adkaynaaya muhiimada wada shaqeyntu u leedahay xaqiijinta in bulshadu hesho Badqab Loo dhan yahay, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) ee Somaaliya , Md.Mustafa Y. Sheik ayaa sheegay: “Laamaha sharciga ee qaranka iyo Hay’addaIsgaarsiinta Qaranka ( HIQ) ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara xaqiijinta in aaladaha sida TikTok ay amaan ku helaan dhammaan isticmaaleyaasha. Waxaan muhiimad siinaynaa wada shaqeynta u dhexaysa TikTok iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee xaqiijinta in isticmaaleyaasha aaladu ay aqoonsadaan ayna adeegsadaan farsamooyinka si ay uga caawiso kahortaga waxyaabaha khatarta badan, gaar ahaanna waxyaabaha dhiiri gelinaaya argagixisada iyo fallaka sharci darrada ah.

Waxaan aqoonsan nahay aana uga mahad celinaynaa TikTok bilaabista barnaamijyada wacyigelinta isticmaaleyaasha ku nool Soomaaliya ayadoo adeegsanaysa hal-kudhiggeeda #WadajiraaBadqaba, cusbooneysiinta qaybaha badqabka iyo cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada. Marki aan si wadajir ah u wada shaqeyno waxaan abuuri karnaa, dadkana bari karnaa talaabooyinka badqabka ee ku habboon dhammaan da’aha kaladuwan, iyo in aan ka difaacno isticmaaleyaasha khatarta islamarkana ilaalinayna waxyaabaha wacyi gelinta iyo hal abuurka leh kuwaasoo ixtiraamaya dhaqanka, mabaadii’da, iyo caadooyinka bulshadeena.”

TikTok waxaa keliya isticmaali kara dadka jira 13 sano iyo ka wayn, aalada ayaana suuragelisay sugida badqabka bulshada da’yarta ayadoo si joogto ah u casriyeysa qaybaha sida:

– Wadaagga Qoyska oo u sahlaaya waalidiinta ama masuuliyiinta inay ciwaankooda Tiktok ku xiraan ciwaannada dhalintooda ayna maamulaan qaybaha kaladuwan ee badqabka iyo habeynada asturnaanta(safety & privacy settings) – ayna ku jiraan inay doortaan in ciwaanku noqdo mid dadwayne ama mid gaar ah, cida faallo ka bixin karta muuqaaladooda, iyo mudada ay ku qaadanayaan TikTok maalin kasta.

– TikTok waxay ka xanibaysaa bulshada da’yarta inay galaan qaybaha qaar. Tusaale, ciwaannada dhalinta da’aha 16 iyo ka yar ma adeegsan karaan Farriimaha Tooska ah, halka ciwaannada bulshada da’aha ka yar 18 sano aysan geli karin LIVE.

– Si loo caawiyo bulshada da’yarta oo ka yar 18 sano inay yeeshaan dabeecadaha online-ka oo wanaagsan, Tiktok ayaa dhawaan dejisay waqtiga isticmaalka shaashada aalada oo ah 60 daqiiqo keliya maalintii.

Arimaha badqabka bulshada guud ayaa sidoo kale muhiim ah, TikTok na waxay abuurtay adeegyo kaladuwan oo ka caawinaaya bulshada maamulida khibradooda aapp-ka ayagoo adeegsanaaya qaybaha soo socda:

Habeynada Asturnaanta(privacy settings): Ayadoo la adeegsanaayo qaybahaan, isticmaaleyaasha ayaa awooda inay go’aansadaan cidda raaci karta iyo cidda ay ku macaamilayaan ciwaankooda; halka ciwaannada ay leeyihiin 13-15 jirada asturnaanta asal noqoto .

Kala hufida faalooyinka: TikTok waxay abuurtay sifooyin noocyo badan ee faalooyinka, oo u sahlaaya isticmaaleyaasha inay doortaan faalooyinka ay doonayaan inay ku arkaan muuqaaladooda, waxay ku xirayaan erayo gaar ah oo ay doonayaan in laga saaro faalooyinkooda, iyo inay soo sheegaan, tiraan ama xanibaan ilaa 100 faalooyin iyo ciwaanno halmar.

Qaybta warbixinta isticmaalaha: Qaybtaan waxay u sahlaysaa isticmaaleyaasha inay si qarsoodi ah u soo dacweeyaan waxyaabaha anshax darada ah ama fal ay ku arkaan aalada, si TikTok ay u baarto ayna u tirto haddii u jebinayo Xeerarkeena Bulshada. Talaabadaan waxay sii adkaynaysaa muhiimadda wada shaqaynta iyo ka saarida aalada waxyaabaha kasoo horjeeda Xeerarka Bulshada.

TikTok waxay ku dhaqantaa masuuliyada ka saaran hormarinta adeeg badqab leh ee aaladeeda iyo hubinta khibrad kalsooni leh isticmaaleyaasheeda oo dhan. Maadaama ay tahay aalad madadaalo oo sii balaaranaysa, TikTok ayaa balan qaadeysa inay si heegan ah uga shaqeyso kor u qaadista khibrada aaladaha casriga ah ee bulshada.

Si aad u heshid xog dheeri ah oo ku sabsan tilmaamaha amaanka ee TikTok oo ay sameeyeen hal-abuurada TikTok ee Soomaalida ah, booqo hal-kudhigga #WadajiraaBadqaba ee gudaha aapp-ka iyo XaruntaBadqabka ee TikTok.

threads1

Maxad ka ogtahay appka cusub ee ku so biiray baraha bulshada

Toban milyan oo ciwaan ayaa iska diiwaan galiyay barnaamijka cusub ee shirkadda ee lagu magacaab Threads todobadii saacadood ee ugu horeyaysay markii uu hawada soo galay, sidaas waxaa yiri mulkiilaha shirkadda Mark Zuckerberg.

Barnaamijka ayuu la yimid si uu ula xifaaltimo Twitter oo ay loolamaan, kaas oo bishii October uu la wareegay Elon Musk.

Khubaro ayaa qabta in Threads uu soo jiidan karo qaar kamid dadka isticmaala Twitter ee aan ku faraxsanayn isbadallada dhawaan la sameeyay.

Barnaaijkaan ayaa qofka isticmaala u suura galinaya inuu qoro ilaa iyo 500 oo xaraf, wuxuu leeyahay arrimo isticmaal gala sida twitter ka.

Dhawaan ayuu Mark Zuckerberg sheegay in barnaamijkaan uu noqon doono mid saaxiib la ah dadla… taasina ay horseedi doonto guusha madashan”.

Balse Musk ayaa ku jawaabay:”Dhab ahaantii waxaa fiican in dad aadan garanayn ay kugu dhex weeraraan Twitter intii aad ku raaxeysan lahayd farxadda beenta ah ee xanuunka la qarsado ee dhextaalla Instgram.

Talaabadan ayaa ah tii ugu dambaysay xifaaltanka u dhaxeeya Labada nin ee kala leh labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk.

Bishii hore ayey labada nin ku ballameen inay dagaal fool ka fool ah galaan, walow aan la hubin sida ay daacad uga yihiin arrintaas.

“Waa ilaah mahaddii in ay si miyir-qab leh u maamulayaan” ayuu yiri Musk oo ka jawaabayey qoraal twitter la soo dhigay.

Dhanka kalena, Twitter ayaa sheegtay in halka laga maamulo bogga hore (Dashboard) iyo halka qoraallada lagu qoro ay lacag noqon doonaan 30n maalmood ka dib.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee Musk uu isku dayayo in dadka ku xiran ay iska diiwaan galiyaan calaamadda buluugga ah.

Sabtidii wuxuu ninkaas maal-qabeenka ah xannibay tirada qoraallada (tweets) ee qofka caadiga ah uu arki karo, taasoo keentay in loo arko “xog saarid” ba’an.

Waxay u muuqataa in barnaamijka cusub ee Threads uu yahay adeeg lacag la’aan ah oo aysan jirin xannibaad saaran inta qoraal ee uu qofku arki karo.

“Threads waa goob ay bulshadu ku kulanto oo ay kaga doodaan wax kasta oo la xiriira mowduucyada maanta kugu taagan ilaa iyo waxa berri la hadal hayn doono” sidaas waxay ku qoran tahay App store-ka ama halka barnaamijkaas lagala soo degayo.

Sawirrada laga soo qaaday barnaamijkaas ayaa muujinaya inuu u egyahay Twitter.

Barnaamijkaas, sida barnaamijyada kale ee shirkadda Meta, wuxuu helayaa xogta telefoonkaaga oo ay ku jiraanhalka aad ku sugan tahay, waxyaabaha ad iibsato iyo taariikhdaada internetka.

Barnaamijyo kale oo aad ugu eg Twitter ayaa soo baxay sannadihii dhawaa midka Donald Trump ee Truth social iyo Mastodon.

Barnaamij kale oo isn aad ugu dhawaa Twitter oo la yiraahdo Bluesky ayaa sheegtay in dad badan ay soo booqdeen wixii ka dambeeyey markii Musk uu xannibaadda soo rogay maalmo ka hor.

Threads ayaa ah khatarta ugu weyn ee Twitter uu wajahayo ilaa hadda.

Taariikhdiisa marka la eego Mark Zuckerberg waa nin afkaarta ka qaata shirkado kale kana dhiga kuwo shaqaynaya.

Muuqaallada Meta ayaa si weyn looga daawaday TikTok,ayadoo sheekooyinkana ay u egyihiin kuwa Snapchat.

Meta waxay leedahay awoodda ay kula tartami karto Twitter.

Threads waxay qayb ka noqonaysaa Instagram, waxaana sidaa ugu xirmaya boqolaal malyan oo bar, mana mid eber ka soo bilaabanaysa sida kuwa la tartamaya.

Inkastoo Muska y dadka qaar ku amaaneen ka go’naanshihiisa xorriyadda hadalka, misna wuxu faquuqay qaarkood.

Mr Zuckerberg wuxuu quuddarraynayaa inuu soo jiito dadkaas qaar ka mid ah dadkaas dibadda laga dhigay Twitter si uu ugu abuuro baddiilkeeda

Xigasho: BBC Somali

drone 1

DUBAI : Maraaci lahayd Taxi ga Duula

Monarch Holding, oo ah shirkad fadhigeedu yahay UAE, ayaa iskaashi la sameysay eHang Holdings, oo ah shirkad Shiineys ah, si loo dhiso xaruntii ugu horreysay ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika si ay u soo saarto oo ay ka shaqeyso diyaaradaha korontada ku shaqeeya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loogu talagalay gaadiidka rakaabka iyo xamuulka ee Abu Dhabi.

A Volocopter 2X drone taxi performs an integrated flight in conventional air traffic at Pontoise airfield in Cormeilles-en-Vexin, near Paris, France, November 10, 2022. REUTERS/Benoit Tessier

Mashruucu wuxuu la jaan qaadayaa yoolalka Istaraatiijiyadda Warshadaha ee Abu Dhabi, oo ay ku jiraan hirgelinta tikniyoolajiyad casri ah, qaab dhismeedka sharciyeynta dhaqaalaha wareega, siyaasadaha cagaaran, iyo dhiirigelinta u gudubka dhaqaale caqli badan, wareeg ah, iyo waara.

Wadashaqeyntu waxay ujeedadeedu tahay soo saarista diyaaradaha korantada ee waara iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, in la dhiso kaabayaal iyo vertiports, in la dhiso xarun talis iyo xakameyn loogu talagalay dhaqdhaqaaqa hawada magaalada ee madaxbannaan, iyo in la siiyo fursado tababar oo loogu talagalay hibada Mashruucu wuxuu kaloo taageeraa wax soo saarka maxalliga ah wuxuuna xoojiyaa ganacsiga isagoo hagaajinaya qulqulka badeecadaha iyo badeecadaha ee goobaha iibka, dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha.

adobe-podcast

Uduub codkaaga sida ugu wanagsan

Marka aan muqalada dubayno waxa aan isticmaalnaa external microphone si aan codkeenna uga dhino mid la dhagaysan karo, waayo camerada microphone keda ma ahan mid wanaagsan, qaar inaka mid ahna ma awodan ama ma haystaan microphone.

Taas macnaheedu ma ahan hadii adan haysan microphone inaadan duubi karin cod qurxoon oo soojiidasho leh. Hadii aad wax ku duubto camerada mobilkaag ama camerooyinka kale isticmaaasho microphone koodana codka ay noise ama jabaq badan ay jirto xalkeda ayaan kuu haynaa.

ai

Waxaa jira AI bilaasha ah oo kaa cawinaya ina codkaada aad kadhigto mid ladhagaysan karo, waxa uuna kasaarayaa dhaman jabaqda, dhabaysha iyo echo da ku jirta codkaada, waxa uuna kasoo sarayaa mid nadiif ah oo wadix ah.

adobe ai

Keliya waxa aad ubahantahay in codkaada uu yahay mid lamaqli kato oo aysan kabadnay dhabaysha ama uusan ahayn mid gaaban oo ay adagtahay in lafahmo, sidoo kale waxa aad ubaahantahay inaa codkaada ku safe garayso Format ka MP3 ama WAV.

Intaas kadib waxa aad boqanaysaa websitkan adobe podcast, waxa aadna gelinaysaa codkaada waxana sugaysaa inta uu prosess ka dhamaynayo waxayna qadataa ilaa 3-10 daqiiqo , iyada oo ku xiran tahay inta codkaaga uu le egyahay.

AI gan bilaash ka ah waxa uu maalinkii kuu ogolyahay inaa ku hagaajiso 1 saac cod soconaya iyo ugu badnaan 500MB cod ah.

adobe ai
Apple-iPhone

Ha iibsan talefan adigoon iska hubin

Hadii aad rajaynayso inaa ibsato talefan iphone ah waxa aad u bahantahy inaa wax yalo badan aad iska hubiso.

Waxaa dhici karta in lagaaga aibiyo talefan la isticmaalay cusayb ahaan ama mid fake ah lagaa iibiyo iyada oo lagaaga dhigayo orignal.

Hadaba waxa aad ubahantay inaa iska hubiso dhowr waxyaalood oo kuu tilmaamaya nooca talefanka aad iibsanayso.

1. hubi in talefankaaga horay lo isticmalay

Waxa marmarka qaar dhacda in taefan la furay ama la isticmaalay in dib box logu so rido isaga oo laga dhigayo cusayb hadaba kahor inta aadan cartoonka furin laguuna tijabin si aad isaga hubi in horay lo isticmaalay geli IMEI halkan

Hadii mesha ugu horaysa Past First Activation ee ay kuqorantahay ay tahay NO micnaheda waa in talefankaaga cusub yahay adigana aad noqnayso qofka u horeeya lakin hadii ay ku qorantahay Yes waxa ay kadhigantahay in talefankaas horay loo isticmalay,

Sido kale waxa uu kutusinaya xilliga la furay talefankas mesha ay kuqorantahay Estimated Purchase Date

2. iska hubi talefankaaga modelkiisa

Iphone ka waxa u leyahay models kala duwan kuwaas oo midwalba wax gaar ah kuu shegayo, Hadii aad celis ahaan ku iibsanayso talefan iphone ah waa inaa iska hubiso meshaan waayo waxa aad ogaanaysaa noca iphone uu yahay.

Hadaba waxa aad tegaysaa Setting kadibna General kadibna About mesha ay ku qoranatahay model Number

  1. Hadii uu ka bilaabmo M talefankaas waa cusayb
  2. Hadii uu ka bilaabmo F talefankaas waa Refurbished device ama shirkada aya dhib uso hagajisay
  3. Hadii uu ka bilaabmo N talefankaas waa Replacement device ama mide lagu so bedelay talefan kale
  4. Hadii uu ka bilaabmo P talefankaas waa Personalized device
chatgpt

ChatGPT: sida aad ugu isticmali karto soomaaliya

ChatGPT waa AI aad loo hadal hayey bilihii udanabeyey waana mareeg soo jiidasho leh sida uu uga fal celinayo waydimaha la waydiiyo, waana maskac macmal ah oo ushaqaynaysa sida dadka ama ka wanagsan.

Mareegtan ayaa ku dhow inay hawada ka saarto mareegaha waydimaha ee google iyo bing,oo hadda ah kuwa ugu waa wayn ee lawaydiiyo waxyaalaha aad ubahantahay.

Hadaba somalia hadii aad joogto way adagtahay inaa hesho adeegyada chatGPT, hadaba si aad u hesho waxa aad u bahantahy inaad samayso labadan waxyaalood.

1. VPN

Si aad u bedesho locationka aad joogto waa ina hesho vpn aan kaa kala go ay midkan hosena waa midka ugu wangsan ee ku xalin kara

2. Lambar

ChatGPT si aadisu diwaan geliso waxa uu ubahanyahay inaa isku diwan geliso lambar aan ahayn kuwa dalka kena, ama aan ahayn kuwa dalalka aan laga ogolayn chatGPT.

App kuu bedeli kara chatGPT

App kan waxa uu kuu bedeli karaa chatGPT waxa uuna kuqaban karaa wax yaalo usan kuqaban karin chatGPT, Appkan waxa lagu magacaabaa ParagraphAI waxa aadna ka heli kartaa Andriod iyo IOS

Banned-WhatsApp

WhatsApp: Waa lagaa xirayaa WhatsAppka

Fariintaan xoog ayey muhiim kuugu tahay, waxaana dhici karta hadii adan xogtan helin in WhatsApp kaaga lagaa xiro.

waxaa jira inaan isticmaalno modified whatsapp ka oo ay ka mid yihiin GBwhatsapp, TM ama Hawa whatsapp. Hadaba maalmihii u danbeeye waxaa soo kordhaysay dadka laga xirayo whatsapp sababo la xiriira isticmaalka appska aan ahayn whatsappka e modified whatsapp ka ah.

Hadaba waxa aad u bahantahay inaa ka waregto kahor inta aanl agaaga xirin whatsappkaaga una waregto appska whatsapp messenger ama whatsapp bussines. lakin waxa aan kuu haynaa apps kuugalay waxyaalhi uu kuu qaban lahayeen modified whatsappka sida inaa hesho marimaha la deleta day ama inaa lock garayso dadka ad laxiriirty whatsappkaaga qaar ka mid ah.

1. Auto RDM

Apps ka sida GBwhatsapp features ka muhiimka ah ay leyihiin waxaa kamida inaa afrimaha laguu sodiro hadii la deledo aad heli karto.

hadaba appkan ayaa taas kaacawinaya hadii aad istcimalyso whatsapp messenger ama whatsapp bussines, waxa uuna kuu kaydindayaa farimaha wahtsappka ee laguu sodiro, waxa aadna awood uyelanaysaa inaa hesho fariin walba oo la delete day iyo sidoo kale media sida sawirada iyo muqalada.

2. Chat Lock

Appkan ayaa isagana kuu sahlaya inaa kamarnato qaybo kamida features ka ay lahayeyn apps ka whatsapp messenger ama whatsapp bussines, waxa uu kaa cawinayaa inaa lock ku xirto mid kamida ama kabadan dadka aad xiriirka lasamaysay

coursa

Free Courses: Baro course walba aad ubahantahy si bilaash ah.

Waxaan ku faraxsahay inaan kuu helno app kan. meelaha ugu wanagsan ee wax laga barto waxaa ka mid ah internt ka ama inaa si online ah wax ka barato.

Hadaba waxa jiro mareego iyo barnaamijyo aad aqoon ka baran karto si bilaash ah, hadaba waxa aan kula wadaagaynaa app aad ka helayso course walba oo aaad u bahato isaga oo bilaash ah.

App kan waxaa loogu yeraa Cursa – Online courses waxa aadna kabaranysaa Facaltiyada jamacadaha iyaga oo bilaash ah waxa aadna ka helaysaa madooyinka aad ku dhigato facultigaaga ajamacadda .

Tusaale hadii aad IT barato waxa aad helaysaa madooyin badan oo IT ah markaana waxa aad kala baxaysaa maadoyinka aad ku barto jaamacadaada , sidoo aklena waaad dhiagan kartaa kuwa kale madama ay iyagana muhiim kuu yihiin,

hadaba apkan waxa aad kala so degaysa play store ka adoo raacaya linkiga ama downlaod bottom ka hoose

whatsapp 1

WhatsApp: Badi views ka status ka

Whatsappka waxaa jira apps badan oo aan u isticmaalno si aan features dheeraad ah aan u helno , marmarka qaarna waxa aan bedelnaa appka whatsapp ka inago isticmaalna modified whatapps sid GbwhatsApp ama TM.

hadaba app kan waxa uu kaa cawinayaa inaa hesho views badan dhanka status ka , waana app aad si fudud aad ku isticmali karto.

waxa aad racaysaa steps kan

  1. Marka hore waxa aad doranaysa RAG ama DUMAR midka aad rabto inay kuu eeg statuskaaga
  2. Kadibana waxa aad doraysaa dalka
  3. Lambarka ayaad gekinaysa ado kabilabya Hormuud 61, Telesom 63, Golis 90
  4. Kadina waxa aad donaysa inta lamabr ee aad rabto
  5. kadibna create ayaad oraynaysaa

tiktokk

Tiktok Waa u dhamaatay

Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtay inay taageersan tahay sharciga u saamaxaya madaxweyne Biden,mamnuucista isticmaalka TikTok ee Shiinaha.

Sidoo kale, tignoolajiyada kale ee shisheeyuhu leeyihiin, ayaa khatar ku noqon kara amniga qaranka, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha gaarka ah ee Aqalka Cad ee dhanka ammaanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in qaraarkan uu u ogolaanayo dowladda Mareykanka, in ay iska difaacdo faragelinta dowladaha kale.

Qaraarka ayaa waxaa ansixiyay labada xisbi, ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee Senate-ka.